Booliska Gobolka Saraar Oo Qabtay Niman Dhuxulaysato ah iyo Gaadiid

0
1208

Caynaba (Hargeisa Press): Ciidamadda booliska gobolka Saraar ayaa  gacanta ku dhigay 10 nin oo si sharci darro ah uga dhuxulaysanayay degaankaasi iyo 6 baabuur oo wateen, kuwaasoo lagu maxkamadayn doono magaaladda Caynaba.

Sida uu sheegay badhasaab ku xigeenka  gobolka Saraar Nuur Qaasim Qodax, oo shalay telefoonka ugu waramay Yuusuf Maxamed Xasan oo ah tifaftiraha shebekadda Somaliland sun, xili uu badhasaabku ku guddo jiray olole ay kula dagaalamayaan dhuxulaysiga oo ay ka fuliyeen  degmadda War-idaad oo ka tirsan gobolka Saraar.

Nuur Qaasim Qodax, waxa uu tilmaamay in baabuur ka  mid ahaa 6  gaadhi ee ay qabteen in markii danbe la sii daayay. Kadib markii  baadhitaan ay boolisku ku sameeyeen lagu ogaaday in aanu wax lug ah ku lahayn falkaasi.

Waxaanu yidhi “Waxay ciidamadda boolisku soo qabteen 10 nin oo ku eedaysan in ay si sharci darro ah uga dhuxulaysanayeen degaamo ka tirsan gobolka Saraar iyo lix baabuur oo ay wateen, oo ay dhuxusha ku qaadayeen. Inkastoo lixda baabuur mid ka mid ahaa markii danbe la sii daayay, kadib markii la cadeeyay in aanu qayb ka ahayn falkaasi.

Badhasaab ku xigeenka Saraar ayaa intaas ku daray in dhuxulaysigu uu dhibaato weyn ku hayo gobolkaasi oo dadkiisu 75% ay  xoolo dhaqato yihiin, taasoo sababtay in qiyaastii 25% (boqolkiiba shan iyo todobaatan)  dhulkii xoolo daaqseenka ahaa uu xaalufay.

Waxaanu sheegay in dhuxulaysatadda degaamadda Saraar ay farro baas ku hayaan jarista Dhirta, isla markaana ay burburiyeen dhul daaqsimeed aad u balaadhan oo qiyastii  dhan 200 oo KM oo isku wareeg ah.

Nuur Qaasim Qodax, ayaa xusay in  dhuxulaysatadda gobolka Saraar  ay maalgeliyaan oo ay xidhiidh la leeyihiin dad ku sugan  Puntland. Iyadoo dhuxushaasi maraakiib lagaga rarro dekadda Hobyo ee Puntland, isla markaana suuqa ugu weyn ee dhuxusha loo dhoofiya uu yahay imaaraadka carabta.

“Nimankaasi dhuxulaysatadda ah waxay dhuxusha u diraan Puntland. Waxaanay xidhiidh la leeyihiin oo maalgeliya dad ay wada shaqaystaan oo  jooga Puntland. Dhuxusha laga  shido gobolka Saraar waxaa lagu qaadaa gawaadhi, kadib na waxaa la geeyaa magaalooyinka  Garoowe iyo  Boosaaso.

Iyadoo marka danbe na laga dhoofiyo dekadda Hobyo ee Puntland. Suuqa ugu weyn ee dhuxusha loo iibgeeyaa ayaa ah imaaraadka carabta gaar ahaana Dubia” ayuu yidhi Nuur Qaasim.

Geesta kale Nuur Qaasim Qodax,  ayaa ka codsaday xukuumadda dhexe ee Somaliland in ay gacan ka siiso kalana shaqayso la dagaalanka dhuxulaysiga iyo sidii loo xakamayn lahaa. Waxaanu sheegay in haddii aan la bad-baadin in degaamo badan oo gobolkaas ka tirsan uu ka dhici doono xaaluf daran.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here