Berbera: Doorka Maayarka Ee Dib-Udhiska Iyo Dib-Udajinta Magaaleynta Iyo Muquunada Reer Saaxil U Hayaan Isaga Iyo Xildhibaan Saleebaan + SAWIRRO

0
2243
Magaala Xeebeeda Berbera ee Xarunta u ah Gobolka Saaxil PHOTO FILE

Berbera, (HargeisaPress) —Magaala Xeebeeda Berbera ee Xarunta u ah Gobolka Saaxil ayaa, mudooyinkii u dambeeyay yagleelka Magaalanimo,iyo dhismayaasha Cusub ee ay dadweynaha Reer Berbera iyo Ganacsatada Somaliland ku qormo dhigayaan dib u dagista rajada hanti ma guurtada ah ee lagu saleeyay istiraatijada ay ku leedahay mandaqadu ka bilaabmeen mudo imika wakhtiyadii dambe lagu guda jirey taas,oo sabab u ah qorshayaasha Maamulka Golaha Deegaanka iyo D/hoose ee Degmada Berbera in shacabku mulkiyaan Qorshaha Magaalanimo ee Mustaqbalka oo albaabada loo furey Deegaamayntooda.

Waxaana dhaqdhaqaaq xoog lihi ka bilaabmey gudaha Magaalada Berbera iyo nawaaxigeeda oo usoo sad celisey nabsimaalka ay hore uga galeen dadkeedu kadib markii ay sanado badan uga guuri jireen dhinaca Caasimada Hargeysa iyo Magaalooyinka kale ee dalka oo maamuladii hore dhabar jab ku ahayd in Berberi noqoto haan gun la,a haseyeeshee dhaqdhaqaaqyada aan kala joogsi laheyn ee iibka dhulka iyo talaabooyinka Maayarka xiligani Cabdishakuur Maxamed Cidin u hindisey shacbigii u samrey deganaanshaheeda iyo kuwii hore uga yaacay labaduba waxa ay mar kale sabab u noqdeen in ay kusoo jeediyaan indhaha Bulsha Weynta Somaliland guda iyo dibadba oo usoo hamuumay in ay qeyb ka noqdaan kamid ahaanshaha Degsiimooyinka cusub ee Magaalanimada Berbera wakhti xaadirkan u xuubsiibatey hadey noqoto dhinacyada dhismayaasha Saraha Ganacsiga iyo hadey noqoto dhismayaasha Guryaha casriga ah ee Dadweynaha taas,oo aanay nasiib u helin Maamuladii hore ee Shacbigu soo doortey,oo iyagu dabar adag u qotimayey in Bulshadu Degsiimo rasmi ah oo Xagaa iyo jiilaal Cimilada la wadaaga Magaalanimada Berbera .

Waxa xusid in Maamulka Golaha Deegaanku dib u dajin u sameeyay qeybo kamid ah Xaafadaha waawen ee Berbera xiligan oo markii hore ahaa kumeel gaadh aan dhismayaal rasmi ah ka bineynin Gudaha Magaalada sida Xaafada Ex Finland oo hada kamid ah Xaafadaha waaweyn ee Magaalada Berbera islamarkaana, Maayarku u ikhtiraacay in loo sameeyo mulkiyadaha rasmiga ah ee Deganaanshaha Dhulka iyo in la gaadhsiiyo Biyaha sida Xaafadaha kale ee Magaalada waxaana Degsoomiynka cusub ee Magaalaynta Berber aka qeyb galey shaqaalaha Dawllada kuwa Xukuumadda dhexe kuwa D/hoose iyo Ciidamada kala duwan ee sadexda Ciidan Qaran ee ay xaasaskoodu sida rasmiga ah u degan Yihiin Gudaha Magaalada Berbera taas oo iyaduna dhiiragalin u noqotey in shacbigu kusoo hirto nidaamyada magaalaynta Berbera ee maalmihii u dambeeyay Tusbax furtey.

Inkastoo,ay jiraan Xildhibaano badan oo ay shacbigu soo doorteen oo kamid ah Xubnaha Xildhibaanada Golaha Deegaanka Berbera hadana marka sigaar ah farta loogu fiiqo waxa qrshayaashan cusub Maayarka kala qeyb qaatey,Xildhibaano waayo aragnimo u leh arimaha aynu soo xusney kuwaas oo ay Bulshada Reer Saaxil khusuusan sigaar ah u majeertaan kaalinta ay Bulshadu ugu jiraan waxaana dibad iyo gudaba xiligan siweyn logu amaaney,doorka uu Bulshada ku leeyahey Xildhibaan Saleebaan Cali Kheyre oo kamid ah Xildhibaanada sida garka ah ugu jajaban shacbiga soo doortey islamarkaana,ah Gudoomiyaha Gudida Golaha Deegaanka u qaabilsan Arimaha Dhulka oo had iyo jeer naxariis iyo dabacsanaan u muujiya danyarta iyo dadweynahaba.

Sikasta oo ay tahey,Magaalada Berbera oo ay soo mareen xilalna kasoo qabteen Maayaro badan tan iyo intii Somaliland lagu dhawaaqey Maamuladii kala duwanaa Faysal Axmed Xaaji Aadan(Faysal-Madoobe) oo ahaa kii u horeeyay Marxuum Cali Xirsi Xayd(Cali-Waraabe),Marxuum Cabdilaahi Cabdi Faarax(dayr), Cabdale Xaaji Cali Axmed,Xasan Xaaji Maxamuud Warsame(Gadhweyne),Cabdale Maxamed Carab(sandheere),Cabdi Jaamac Ducaale(musbaar),Marxuum Siciid Daa,uud Cilmi,Cabdale Maxamed Carab(sandheere),oo mar kale kusoo noqdey iyo Maayarka hada talada haya Cabdi Shakuur Maxamuud Xasan Madar(cidin),waxa ay hada muuqataa in rajo fiican iyo albaab cusub oo ay sanado badan ka dhursugaysay loo furey inkastoo aynaan halkan ku xusi Karin Maayaradaa aynu soo sheegnay ee Xilkeeda soo qabtey iyo mid kastaaba Taariikhda uu ku lahaa bilawgii ilaa maanta oo ay joogto waxay indho arkayaan ayay ilko gooyaan…….

Lasoco Qormada Cusub iyo taxanihii ay soo martey Berberi.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here