Bangiga Dhexe Ee Somaliland Oo Suuqa Lacag Galiyay Si Hoos Loogu Dhigo Qiimaha Doolarka

0
993

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, ayaa sharaxay taalooyin ay kula tacaalayaan sidii Sarifka doolarka hoos loogu dhigi lahaa ka dib markii uu mudooyinkii u dambeeya kacsanaa.

Bangiga dhexe ayaa maanta qaybiyay Lacag badan oo Doolar ah, si hoos loogu dhigo Qiimaha doolarka lagu sarifo. Gudoomiyaha bangiga oo qayb ka ahaa hawsha Sarifleyaasha loogu qaybinayay Lacagta islamarkaana lagu xaraynayay Doolarka ayaa sharaxay sababaha wakhtigan Doolarku u kacay

“Ujeedadu waxa weeye Doolarka oo baryahan Kacsanaa ayaanu doonaynaa inaanu soo dejino, markaa ayaanu Doolar badan suuqa soo galinay. Mar haddaan dekedu aad u shaqaynayn oo wax uga soo degayn, kol haddaan xoolo jirin la dhoofinayaa, wakhtigan waa iska dhacdaa in Doolarku kaco dabeedna anagu aanu soo dejino inta uu soo gaadhayo Qiimo macquul ah” ayuu yidhi Gudoomiye Cabdi Dirir.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Kicista Sixirka Doolarku keenayo Sixir bararka Miciisashada “Sixir Bararka anagu shaqo kuma lihin ee Ganacsatada ayaa samaysa oo dadka Sixirka ku kicisa laakiin,marka doolarku kaco Sixir barar bay keentaa oo Ganacsatada ayaa kordhiya Sixirka ay alaabta ku iibinayaan”

Qiimaha lagu sarifo Doolarka ayaa inta badan Somaliland kor u socda isagoo mararka qaarkoodna hoos u dhac ku yimaado. Inta badana waxaa sarifka gooya Sarifleyaal khibrad u leh arimaha sarifka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here