Askari Ciidanka Qaranka ka Tirsan oo Xalay Lagu Dilay Degaanka Saax-dheer ee Gobolka Sool

0
914

Saax-dheer , (HargeisaPress) — Allaah ha u naxariistee askari laba xadhigle ah oo ka tirsanaa ciidanka qaranka Somaliland, ayaa lagu dilay magaalada Saax-dheer ee Gobolka Sool fiidnimadii xalay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa HargeisaPress.com u xaqiijiyey, in askariga la dilay oo magaciisa la odhan jiray Cabdiraxmaan Maxamed Ducaale (Cabdi-liji) uu ka tirsanaa guutada kamaandooska ciidanka qaranka ee fadhiisinkoodu yahay tuulada Saax-dheer oo ku taal xuduudka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya. Ilaa hadda ma cadda qaabka askarigaas loo dilay, taliska ciidanka qarankuna wax war ah kama soo saarin, balse sida ilahaasi tibaaxeen askariga ayaa la sheegay inuu magaalada Saax-dheer u tagay si uu wax uga iibsado, laakiin uu markii damcay inuu dib ugu laabto xerada ciidankiisa dablay aan weli la aqoonsan dhexda u galeen, dabadeedna toogasho ku dileen.

Dhinaca kale, hawlgal ciidanka qaranka Somaliland dilkaas kadib ka fuliyeen gudaha magaalada Saax-dheer xalay, ayaa la sheegay in lagu qabqabtay dhawr qof oo loo tuhmayo inay ka dambeeyeen dilka askarigaas oo lagu aasi doono taliska ciidanka qaranka aagga bari oo ku yaal tuulada Oog oo ka tirsan Gobolka Sool maanta.

Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa magaalada Saax-dheer la wareegay bishii August ee sannadkan 2014, kadib markii laga war-helay qorshe waqtigaas lagu doonayey in xaflad caleemo-saar ah loogu qabto siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo isku boqray madaxweynenimo dhalanteed ah.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here