Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Xidhiidhkii U Jaray Aqalka Golaha Shacabka Iyo Sababaha Keenay

0
2413
Cabdi xaashi iyo Mursal PHOTO FILE

MUGDISHO, (HargeisaPress) —Aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ayaa goor dhawayd shaaciyey inay xidhiidhkii u jareen aqalka hoose ee golaha shacabka.

Qoraal uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Golaha Shacabka.

Qoraalka ayaa ugu baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya in uu wax qabto qoddobada leysku hayo ee keenay joojinta wadashaqeynta labada dhinac waxaana ka mida ah

  • Hareer marida habraaca dastuurka ee meelmarinta sharciga xisaab xirka.
  • Xiriirka dibada ee baarlamaanka federalka,
  • Kala dhowrista xilalka gaar ahaaneed ee labada gole iyo qoddobo kale.

Waa markii ugu horeysay oo Aqalka sare si cad u shaaciyo in uu joojiyay gabi ahaanba wada shaqeyntii Golaha Shacabka oo dhawaan meel mariyay miisaaniyada dowladda ee sanadkan 2019ka.

Halkan Hoose Kaga Bogo Warka Ka Soo Baxay Aqalka Sare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here