Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Oo Tababar U Soo Xidhay Shaqaalaha Waaxyaha Qorshaynta iyo Maamulka

0
1021

Hargaysa, (HargeisaPress) –Agaasimaha guud ee wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo Arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye),  ayaa maanta  tababar u soo xidhay shaqaalaha waaxyaha maamulka iyo qorshaynta ee wasaaradaasi.

Tababarkan oo socday muddo laba maalmood ah waxaa   qab qaabadiisa iska kaashaday wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha dastuurka iyo hay’adda qaramadda midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP.

Mudadii uu socday tababarkaasi ayaa  shaqaaluhu ku barteen casharo la xidhiidha  qorshaynta, maamulka mashaariicda iyo diyaarinta heshiisyadda.

Agaasimaha guud wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka oo xidhitaanka tababarkan hadal ka jeediyay ayaa u mahad naqay macalinka casharada bixinayay iyo hay’ada UNDP fursada ay siiyeen shaqaalaha wasaaradda ee ah inay helaan tababarkan.

Waxaanu shaqaalaha tababarka qaatay ku booriyay in casharadda ay barteen ay ku dabaqaan shaqo maalmeedkooda. “Waxaan rejaynayaa in tababarkani wax weyn ka tari doono shaqo maalmeedka aynu bulshadda u hayno.

Waxaanan  idinku boorinayaa in  wixii aad halkan (tababarka)   ka barateen ku dabaqdaan shaqadiina. Anigoo  u mahad naqaya macalinka Mascuud ee casharadda idin siinayay, hay’adda  UNDP iyo shaqalihiina ba sida wanaagsan uga qayb qaatay tababarka”ayuu yidhi agaasime Dhabeeye.

Geesta kale  agaasimaha guud bogaadiyay wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan, oo uu sheegay in mudadii uu wasaaradda joogay jiho wanaagsan iyo horumar ku hogaamiyay.

Isagoo arrimahaas ka hadlayay na waxa uu yidhi  “Wasiir Maxamed Xaaji Aadan, oo mudadii sanadka ahayd ee wasaaradu jirtay runtii na jiho wanaagsan iyo horumar inagu hogaamiyay na,  wuxuu mudan yahay amaan iyo bogaadin”.

Waxa kaloo  iyag na kulankan ka hadlay agaasimaha Waaxada Qorashaynta ee wasaarada xidhiidhka goleyaasha Cabdirisaaq Yuusuf Daanaakil,  Kawsar  Maxamed iyo Cabdicasiis Jaamac,  oo ku hadlayay afka ka qayb galeyaasha tababarka.

Waxaanay  dhamaantood sheegeen inay wax weyn ka faa’iideen casharadii lagu  siiyey tababarka, iyagoo na  xusay inay tahay markii ugu horaysay ee shaqaaluhu helaan tababarkan noocaas oo  kale ah.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here