Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo Gelinta Oo Hargeysa Ka Furay Kulan Dib Loogu Eegayo Xeerka Naafada Somaliland + SAWIRRO

0
843

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasaaradda Shaqo Gelinta iyo arrimaha Bulshadda Somaliland ayaa soo qabanqaabisay kulan dib loogu eegayo xeerka Naafada Somaliland.

Kulankan oo uu furay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Cilmi Aadan ayaa waxa ka soo qayb galay ururada Naafada, waxaana intii uu socady diirada lagu saaray sidii wax ka bedel iyo kaabis loogu samayn lahaa xeerka Naafada Somaliland, ugu horeyn afhayeen u hadlayay ururka Naafada Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi“Dadka Naafada ah ma jiro sharci u diidaya in ay dalka ka shaqaystaan, laakiin waxa jira caqabado u baahan in laga hor qaado, si ay shaqooyinka u helaan, wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadduna waa wasaaradeenii, waanay ku mahadsan tahay Hawshaas fiican ee ay soo qabatay, mar hadii ay bilawday in ay xeerarkii dib u eegtana oo uu hamigeedu yahay in ay dadka naafada ahi shaqo helaan sida dadka caadiga ah, waxa ay haysaa waddo fiican oo ku haboon” ayuu yidhi afhayeenka ururka naafada ee SNDF.

Sidoo kale agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqo Gelinta iyo arrimaha Bulshada Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkaddaha iyo loo shaqeeyaha somalilandba looga baahan yahay in ay tix geliyaan dadka naafada ah “Shirkani waa kii ugu muhiimsanaa ee lagaga Hadlayo arrimaha Naafada ee ah xeerkani muxuu xaq siinaya, waxaana jiray in Dawladdu ay qaadatay go’aan ah in Wasaarad walba lagu qoro qof naafo ah, laakiin xeerkani waxa uu xaq inoo siin doonaa oo ay tahay in shirkad in ay shaqo idin siiyaan, waanan ka codsanaynaa shirkadaha waxaanan leenahay waa dadkeenii, haddii aad laba qof shaqaalaysiisaana  Waddankii Waxbaad tartay, waxaanu qofku uu leeyahay xaq” ayuu yidhi Agaasime Maxamed Cilmi Aadan.

Waxa uu u soo jeediyay ururka dadka Naafadaha ee ka soo qayb galay Kulankaasi dib loogu eegayay xeerka dadka Naafada ah in ay ku daraan wixii ay isleeyihiin wuu ka dhiman yahay “Waxa la idinka doonayaa in aad xeerkan ku dartaan wixii aad isleedihiin wuu ka dhiman yahay, sida xeerarka dhismeyaasha, shaqooyinka, tartanka shaqada waxaas oo dhan waa in aynu wax kaga darnaa” ayuu yidhi.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here