Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Oo Kormeeray Beeraha Cadaadlay Iyo Khubaro Beeralayda Ku Tababaray La Dagaalanka Cayayaanka Khudaarta ku dhasha

0
1028

Hargeysa , (HargeisaPress) —Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeer ku tegay beeraha deegaanka Cadaadley, waxaana khubarada wasaaradda Beeruhu halkaasi tababar la xidhiidha sida loola dagaalamo cayayaanka ku dhasha beertu ku siiyeen qaar ka mid ah beeralayda deegaanka.

Agaasimaha guud iyo weftigiisu ayaa markii ay deegaankaasi gaadheen waxa halkaasi ku soo dhaweeyey maamulka iyo odeyaasha deegaanka.

Guddoomiyaha Degmada Cadaadley Cumar Maxamed oo xafiiskiisa ku qaabiley weftiga ayaa khudbado kooban oo masuuliyiintu madasha ka jeediyeen lagu falanqeeyey sidii loo kobcin lahaa wax soo saarka dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland oo madashaasi khudbad ka jeediyey ayaa beeralayda deegaanka Cadaadley ku booriyey inay wax soo saar la yimaadaan, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaan idiinka mahadnaqayaa sidaad noo soo dhaweyseen, waxaanan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Cumar (Guddoomiyaha degmada Cadaadley) oo maalin walba xafiiska noogu imanayey, isla markaana aanu ka wada hadlaynay sidii loo dar dar galin lahaa wax soo saarka”.

????????????????????????????????????

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Magaalada Cadaadley waa magaalo taariikhi ah markaa maanaan ilaabin imikana waxa ay nooga mid tahay meelaha laga fikirayo ee sida qorshayaasha loo kala horumarinayo ee loo odhanayo sidee halkaa wax uga qabanaa, waxaananu idinku dhiirigalinaynaa inaad dhankiina ku dedaashaan wax soo saar oo nasiib wanaag waxaad haysataan guddoomiye wanaagsan”.

Guddoomiyaha Degmada Cadaadley Cumar Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu weftiga ka socday wasaaradda horumarinta beeraha uga waramay xaalada beeralayda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin wax soo saarka, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Dhammaan hawl wadeenada wasaaradda markii aanu araaji badan u qoranay ee tu beereed iyo tu guud ah ka dib waxaa noo farxad ah inaad halkan noogu timaadaan oo wixii aanu idiin sheegaynay aad indhihiina ku soo aragtaan”.

Isuduwaha Gobolka Maroodijeex ee Wasaaradda Horumarinta beeraha Cabdirisaaq Sh. Muxumed Gaboobe oo halkaasi ka hadlay ayaa beeralayda ku booriyey inay isku filaadaan, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Deegaanka Cadaadley sidaanu la socono waa deegaan beeralay ah, markaa waxa aynu cuno badi dibada ayaa la inooga keenaa waxaanan idinku boorinayaa inaad wax la soo baxdaan oo aad isku filaataan”.

????????????????????????????????????

Sheekh Cabdilaahi Xasan Axmed oo ah sheekha degmada Cadaadley ayaa khudbad kooban oo uu madasha ka jeediyey waxa kaga hadlay muhiimada beeruhu leeyihiin, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Deegaankani waa deegaan beeralay ah, dhulkanina waxa uu isugu jiraa Beer roobaad, beer biyood iyo xoolo dhaqato oo dadka deegaanku sadex doox oo degmada ka tirsan ayey biyaha ka cabaan oo deegaankan mara waxaana la kala yidhaahdaa Dabis, Qudhaco iyo Cadaadley, meeshuna waa dhul dhagaxa oo Beeralayda wixii caqabad la soo gudbnootaana ee awoodooda ka badan inaad wax kala qabataan ayaanu idinka codsanaynaa”.

Cabdi Caydiid Cigaal oo ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa waxa uu weftiga uga mahadnaqay imaanshaha deegaanka Cadaadley, waxaanu kula talinayey in bulshadu la soo baxdo waxyaabo wixii ay cuni lahayd.

Weftiga uu Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta beeruhu hoggaaminayaa waxa ay intaasi ka dib soo mareen Beero ka mid ah deegaanka, iyaga oo khabiiro ka socda Wasaaraddu tababar kooban beeralayda ka siiyeen sida loola dagaalamo cayayaanka beeraha ku dhasha.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here