Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Waramay Qaabkii Uu Dhacay Dagaalkii Gacan Ka Hadalka Ahaa Ee Dhex Maray Maayarka Berbera Iyo Waxii Sababay

0
1038

Hargeysa, (HargeisaPress) —Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa Waraysi uu siiyay Wargayska Somalilandtoday uga waramay sidii wax u dhaceen, kadib dagaal gacan ka hadal ah oo Xafiiska Wasiir Cali Warancadde ku dhexmaray Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin.

 

Amb. Cabdifataax Siciid Axmed oo aanu waydiinay marka hore waxaa keenay in arrintu dagaal gaadho iyo waxaa xanaaqa intaas leeg ee dagaalka ah gaadhsiiyay Maayarka Berbera wuxuu yidhi.

 

“Wallahay sidaa aad u yaabantihiin uunban aniguba ula yaabanahay sababta Maayarka Berbera isagoo masuuliyad ballaadhan haya Guddoomiye ka ah gole degaan oo la soo doortay uu dagaal iyo fawdo ku soo qaado xafiis dawladeed. Wax shakhsi ah oo naga dhaxeeyay annaga ma jiro, dalku shuruuc ayuu leeyahay Wasaaradda arrimaha guduhuna shuruuc loo raacayo fulinta masuuliyada ay Qaranka u hayso ayaa jira, waxaynu wax ku noqonaynaa Qaran ahaan iyo qof ahaanba in shuruucda dalkeenu ay shaqeeyaan oo loo hogaansamo, hay’adaha dawladda haday mid sare tahay iyo haddii ay Dawladdo hoose yihiin shuruucdaas ayay ku wada shaqeeyaan. Marka wax Maayarka Berbera u gooniya ma jirin wuxuu kaga duwanyahay Maayarada kale ee Magaalooyinkana ma jirin.

 

Waxaa kaloo jira  Mashariicda JPLG (Join Programm for Local Governments) ee dawladaha hoose door ayay ku leedahay Wasaaradda arrimaha guduhu, in la qiimeeyo oo lala socdo waa masuuliyadaha Wasaaradda Daakhiliga, sidoo kale magacaabista Xisaabiyaasha Degmooyinku waxay ka midyihiin awoodaha Wasaaradda, kaas oo hoos imanaaya Xafiiska Badhasaabka. Marka Maayarka Berbera haddii uu cabasho qabo nidaam uu soo raaco ayaa jira, dagaal tag ayuu Xafiiska iigu yimi fawdo ah, isagoo gacan qaad igu bilaabay Xafiiska Wasiirkada,   dee Masuuliyiin naga saraysa ayaa jirta labadayadaba cidii khaladka la hayd ayuunba qaadi doonta masuuliyada wixii dhacay”.

 

Agaasimaha guud ee arrimaha gudaha Cabdifataax Siciid Axmed oo Sidoo kalena  aanu waydiinay siduu arko inay ceebtahay in Masuuliyiin xilalkii ugu sareeyay hayaa ku dagaalamaan Xafiisyadii ay ahayd inay ummadda ka hoggaamiyaan wuxuu ku jawaabay.

 

“Waa ceeb ku fadeexad ah haykalkii dawladeed shuruucdu inay ina hagto oo lagu kala danbeeyo ayay ahayd, waxaana masuuliyada qaadaya cida soo dagaal tagtay ee xitaa Wasiirkii Wasaaradda ka xishoon weyday”.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here