Agaasimaha Duulista Somaliland oo ka Jawaabay Hadalo ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaliya ee GalMudug

0
963
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Mudane Cumar C/laahi Aadan (Cumar Zayaid)

Hargeysa, (HargeisaPress) — Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Mudane Cumar C/laahi Aadan (Cumar Zayaid) waxa uu faahfaahin ka bixiyey nidaamka loo maro Diyaaradaha  ka soo degaaya Madaarada Somaliland iyo rakaabka la socdaba.

Agaasimahu waxa uu xusay in aanay jirin ujeedo gaar ah oo laga lahaa Masuulka Madaxweynaha ka ah Maamul Goboleedka Galmudug Soomaaliya , waxaanuu sheegay in aanay jirin hadalo ka soo yeedhay masuulkaasi, isaga  oo sheegay maalintii shalay mar uu socdaal ku ahaa (Transit) Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ay xanibaad saartay Dawlada Somaliland, waxaanuu xusay in aanay waxba ka jirin hadalada ka soo yeedhay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug, waxaanu yidhi:- “waxaan saxaafada ugu yeedhay si aan u cadeeyo nin yidhi waxaan ahay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Soomaaliya oo shalay saxaafada u sheegay, in lagu xayiray Madaarka Hargaysa iyada oo arintaasi uu ku eedeeyay in ay ka danbaysay Dawlada Somaliya, arintaasi runtii arin wax ka jiraan maaha waa arin aan sal iyo raadtoona lahayan, Dawlada Somaliyana kama taliso Somaliland, laba Dawladood oo 27 sano kala maqan oo laba Calan kala leh oo Duniduna sidaa ku ogtahay ayaanu nahay, wax amar ah oo halkan ka shaqaynaya oo Dawladda Soomaaliya ka bixin kartaana ma jiro, laakiin ninnkaas marka ugu horaysa waxa uu ka yimi Dubai, waxa uu la socday Diyaarada Fly Dubai Markaa Madaarka Hargaysana Socdaal ayuu ku ahaa (Transit) qof rakaab ah ayuunbaanu u arkaynay mar danbe ayuunbaanu ogaanay in uu ninkani yahay, ninka  sheegta Maamul Goboleed Galmudug la yidhaa in uu Madaxweyne ka yahay VIP-da Madaarka ayuunbaa la geeyay qolada shirikadaha gudaha (local ) ah ayaa waday oo halkaa fadhiisiyey oo qof socdaal ah oo muxtarim ah uun baanu u arkaynay in uu Madaxwene yahayba mar danbe ayaanu ogaanay.

Agaasimaha oo sii faahfaahinaaya arintan ayaa yidhi:-“markaa kol hadanaan garanayanba dee waxa weeye warkiisuna halkaa ayuu been ku yahay, Madaarka Hargayna Socdaal ayuu ku ahaa, xeerkii socdaalka (Transit)  ayaa la mariyey, waxaa Hawada Somaliland si sharci daro ah u soo gashay Diyaarad aan ogolaansho ka haysan Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland Diyaaradaas oo markii 1aad ka degtay Garoonka Buuhoodle, markii labaadna ka soo kacday oo Madaarka Hargaysa timi, markaas Diyaaradas sharci darada ku soo gashay oo runtii ahayad, Diyaarad marar badan oo horena Buuhoodle ka degtay, oo aanu uga dignay in ay Hawada Somaliland bilaa ogolaansho soo gasho oo aanu raadinaynay ayaa halkan Madaarka Hargaysa lagu qabtay Company-goodii ayaa lala hadlaayey, waraaqaa laga saxeexayey, arintii intaas ayaa afar shan saacadood qaadatay, kadib markii shuruucdii la dhameeyay Diyaaradii waanu fasaxnay, sidaas ayey ku qaaday ninkaas Madaxweynaha ah, Dawlada Soomaaliya iyo Dawlada Somaliland waa laba kala Dawladdood, wixii iyaga ka dhexeeya ee is eryad ahna marnaba ma dhex galayso.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here