AAFADA ABAARTA: Qaybtii 4 aad Jamal A. Muse

0
1725

“ Gorfaynta Surmiga, ooddo-lululka & eelada Abaarta Taagan, Gargaarka Uumiyaha Geeska iyo Sababaha Curiyay abaarta”

Qaylo-dhaantii Dunida:

Qaramada midoobay ayaa shaaca ka qaaday in muddadii u dhaxaysay 2010-kii ilaa  2012-kii ay dalka Somalia abaaraha darteed ugu naf waayeen tiro badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee aafada abaartu curyaamisay, taasi oo dishay in ku dhaw 260,000  qofood. Abaarahan labo jirka ahaa ayaa sababay:

  • Dalag yaraan.
  • Sicir barar cunto “Food inflation”.
  • Hoos u dhaca baahida loo qabo shaqaalaha & dhakhliga qoyska “Steep drop in labor demand and household incomes ”.
  • Sidoo kale waxay abaartu dishay xoolaha nool ee Soomaalidu dhaqato “It also killed off valuable livestock”.

Dhanka kale waxay xogtani xustay sababaha curiyaha u ah abaarta ka hanaqaaday geyiga Soomaalida, waxayna inta badan masuuliyadda eeda iyo sababaha curiyaha abaaraha dusha ka saartay dadka & hogaanka  soomaaliyeed, halka beesha caalamka ay ku dhaliishay gaabisnimada gargaar fidinta. Iyaga oo arrintaa ka hadlayana waxay yidhaahdeen:

  • Awood la’aanta dawladda.
  • Gaabisnimada gargaar fidinta beesha caalamka.
  • Horumar la’aanta maalgashiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
  • Dagaalada sokeeye iyo collaadaha cidladaha badani kiciyaan.
  • Iyo khilaafyada kakan.

Qodobadan sare ku xusan waxa ka dhashay in dadka Soomaaliyeed ay wajahaan nolol kakan iyo saboolnimo dabo-dheer. Runtii qarnigii 21aad  ayay dadwaynaha dunidu awood u heleen dabargoynta abaaraha soo noqnoqda, marka laga reebo qaarada nasiibka u heshay dadka diirka madaw ee afrika oo qoomiyadda Soomaalidu safka koowaad kaga jirto.  Barnaamijka dabargoynta abaaraha waxa laga fuliyay dhammaan Qaaradaha dunida marka laga reebo afrika, si looga adkaado amma hoos loogu dhigo aafada iyo eelada abaaraha.

Intaa ka dib waxa la qaaday talaabooyin badan oo horusocod iyo horumar ahaa, iyada oo kor loo qaaday dakhliga maalgashiga dalagga beeraha afrika, si kor loogu qaado waxsoosaarka beeraha, islamarkaana looga hortago abaaraha dalag yaraantu keento, waxaa aad iyo aad  loo xoojiyay qaybo badan oo kala ah:

  • Caawimada beeralay xoolo dhaqato badan, si loo hagaajiyo waxsoosaarka beeraha, oo loo helo cunto jaban, nolol wanaagga xoolo dhaqatada afrika iyo sidii loo fahmi lahaa amma wax looga baran lahaa maareynta aafada abaaraha iyo xaalufka geyiga afrika.
  • Kor u qaadista maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha iyo unkida qalcado xajiya suuqyadda aan degenayn ee afrika.

Hadaba wakhtigan aynu joogno, caawimadu aad bay muhiim ugu tahay guud ahaan shacabka afka soomaaliga ku hadla. Waayo waxa ku habsaday abaaro guyaal badan geyiga dhufays ka dhigtay. Waxayna la tiicayaan aafada abaaraha in ka yar 10-kii sannaba hal mar amma labo mar  amma in ka sii badan halakeeya shacabka iyo degmadda soomaalida. Tani waxa muujinaysa inta laga hayo sooyaalka taariikhda abaaraha Soomaalida.

Dalka Somaliland oo ka mid ah geyiga Somalidu degto ee geeska afrika ayay abaartu eelo ba’as ku haysaa dadka iyo duunyada ku dhaqan, waxaan wali maanka ka gu’in aafadii abaartii Xaaqa/Oday ka wayn ee sanadkii 2015-kii xasuuqday dadkii iyo duunyadii gobalada galbeedka Somaliland. Hadda waxaa ka taagan gobalada bariga Jamhuuriyadda Somaliland abaar halakaysay dadkii iyo duunyadii halkaa ku noolaa oo loogu wanqalay Igu sawir. Xaqiiqdii ka adkaanshaha abaartu waxay u baahan tahay maalgashi muddo dheer socda, hoggaamin suubban, fogaan arag, iyo go’aan adag oo bulsho. Balse imika ha la kordhiyo gurmadka walaalaha u tabaalaysan aafada abaarta.

Sababaha abaaraha:

Sidda la caddeeyay, sideedaba waxa abaaraha sabab u ah oo curiyaha ugu wayn u ah  iskaashiga saddex guuldarro “triple failure” oo dunida, Qaaradaha, dalalka, gobalada, degmooyinka, amma goob ku habsata. Kuwaasi oo kala ah:

  • Guuldarada Waxsoosaarka “Production failure”.
  • Guuldarada Awood Isticmaalka “Access failure”.
  • Guuldarada Waxqabadka “Response failure”.

Xaaladeenna Maanta Ku Dhereri Ta Dunida Kale:

 

Hordhac

Waxa maanta dalkeenna ka jirta xaalad abaareed aad & aad u kakan, taasi oo ay  ugu horreyso cunto yaraanta, baad iyo biyo la’aanta ka taagan gobalada bariga Jamhuuriyadda Somaliland. Akhriste haday sidaa xaaladu tahay, ma kula tahay in lays dhiibo oo la sugo inta wadku daaqada ka soo galayo?, jawaabtu waa maya, siddaa awgeed waxa muhiim ah in aynu xaaladeenna maanta barbar dhigno xaaladda dadyowga dunida kale iyo dhibaatooyinka dhinaca quudka inaga wadda haysta wakhtiga xaadirkan.

Ogow in fahanka dhibaatadu halbowle iyo horseed u noqon karo helida xalka aafada abaaraha, ogow oo maanka gali in aad fahantid eray bixinta erayga abaar, taasi ayaa noqon doonta furaha guusha iyo maareynta aafada abaaraha dabiiciga noqday. Hadaba is waydii ‘Waa Maxay macnaha dhabta ah ee abaartu”. Ku jawaab oo si fudud u dheh “Abaartu waa xaalad kakan oo ka wakiil ah cunto yaraan baahsan oo dunida ka dhacda”.

Maxaa Inala Gudboon Inaga?

Runtii waxa inala gudboon si san u dhugashada qeexida erayga abaar oo ku soo ururaysa cunto yaraan, baad iyo biyo yaraan baahsan iyo sooyaalkii taariikhda dabargoynta abaarihii dunida ka dhici jiray. Akhriste ogow in markii ugu horraysay taariikhda qarnigii 21aad  aadmigu awood u yeeshay in uu dabargooyo aafadii abaaraha, maanka gali in aynu qaadi karo talaabo la siman tooda, waana in aynu xalinaa dhibaatada guddaheenna taal. Inaga oo diirada saari doona qodobadan soo socda:

  1. Kordhinta Waxsoosaarka
  • Waa in aynu dardar galinaa maalgashiga dalaga beeraha, guud ahaan qaarada Afrika, iyo gaar ahaana dalkeenna Somaliland. Waxaa loo baahan yahay in la bilaabo caawinta beeralayda iyo beeralayda xoolo dhaqatada dalka, taasi ayaan kaga bixi karaa baahida, gaajada iyo camal la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.
  • Waa in la helo cunto qaran iyo quud jaban.
  • Waa in la unko qorshaha ka hortagga iyo maareynta aafada abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

 

  1. Korinta awoodda iyo kartida qofnimada
  • Waa in aynu yareynaa saboolnimada miyiga Afrika iyo dalkeena.
  • Waa in aynu kordhinaa gargaarka iyo miisaaniyadda maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha qaarada iyo dalkeena sidda jidadka, isgaadhsiinta casriga ah, iyo dhiirigalinta suuqa xorta ah.
  • Waa in aynu awoodi karaa hiigsiga yoolka isku filaanshaha Afrika iyo dalkeenna curdinka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  • Waa in aynu hal ku dhag ka dhiganaa “Kii shalay kaa tahriibay, Ha kuu soo tahriibo maanta”.

 

  1. Dhiirigalinta Waxqabadka
  • Waa in aynu iska kaashanaa yagleelida hab dhaqan digtoonaan & dhugnaan toggan lagu lingaxay oo dheeliga & dhaawaca nolosha ka dhawraya dhammaan bulshada dalka.
  • Waa in aynu hirgalinaa curinta hanaanka kaalmeynaynta bulshada danyarta ah, inaga oo ka caawinayna hoyga, agabka guryaha, dammaanad qaadka quudka, iyo Caymiska. …….. La soco qaybo kale oo muhiim ah.

By: Jamal A. Muse                                      

dankaabo@hotmail.co.uk/jamalabdiya@gmail.com/hirdandheer@gmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here