Waayo Aragnimaa Rag Isdhaafisay Maayar Amiin Iyo Ex: Maayar Shucayb (Keebaa Siyaasiya).

0
1167
Maayar Amiin Iyo Ex Maayar Shucayb Photo File

Marka hore labada masuul oo laba masuul oon sidaa ukala waynayn xaga da’da laakiin waxaynu odhan karnaa waxay ku kala tagayaan khibrada iyo maamulka

Qaybtiinee koowaad waxaynu kaga hadalnay sidii labada masuul ee Maayar Maxamed Amiin iyo maayarkii hore  Shucayb Maxamed Muuse oo imikana ah Wasiirka warshadaha Somaliland uga hadleen mudaharaadkii dhawaan ka dhacay degmada Gabilay oo muujinaysay khibrada kala duwan ee ay is ticmaaleen labada masuul.

Qaybteenan labaad waxaynu ku soo qaadan doonaa khibradihii waayo aragnimada badan xambaarsanaa ee uu soo isticmaalay Wasiir shucayb markii uu ahaa maayarka iyo khibradaha uu isticmaalay maayar Amiin intii uu xilka maayar nimo ee Gabilay hayay.

Marka hore labada masuul oo ah laba masuul oon sidaa ukala waynayn xaga da’da laakiin waxaynu odhan karnaa waxay ku kala tagayaan khibrada iyo maamulka oo ah sirta kala kaxaysa  raga..

Wasiir Shucayb imikana ah wasiirka Warshadaha Somaliland ayaa markii ay is yidhaahdeen reer Gabilay imkay ugu darantahay oo xilka waa laga qaadayaa isticmaalay taatiko ay ku dheehantahay khibrad faro badan iyo waayo aragnimo taasi oo uu ku soo gaba gabeeyay in uu maayarnimadii ka dalaco oo lagu waabariistay maayarkii oo loo magacaabay Wasiir taas oo qaar badan oo u baqayay siyaasadana socod barad ku ahaa unoqtay xiisad ama cashar barafasoor ku takhasusay cilmigu uu jaamacad ka bixiyay.

Hadaynu khibradaa uu isticmaalay maayarkii hore ee Gabilay imikana ah Wasiirka warshadaha Somaliland intaas kaga nimaadno bal aynu eegno khibrada iyo waayo aragnimada maayarka imika jooga iyo saamaynta uu ku leeyahay Gobolka iyo guud ahaanba siyaasada Somaliland.

Maayar Amiin waa nin deganaan udhashay oo afgaaban inta badana aan ahayn dadka hadalka badan, taasi oo dhaxal siisay in lahago xaga siyaasada oo aanu isagu tiisa ku meel mari Karin.

Aynu soo qaadano khilaafkii ka dhashay ceelasha biyaha Botor oo ah halka ay magaalada Gabilay ka hesho biyaha, waxaa khilaafkaasi uu socday in muddo ah maayar Amiina intii uu khibrad lahaa waxba kalamuu hadhin laakiin kumuu guulaysan dhamaynta khilaafka ceelasha biyaha botereed nasiib wanaag aakhirkii ama ugu dambayntii waxaa arinkii bakhtiiyay oo soo gaba gabeeyay odayashaa dhaqan reer Gabilay oo ah runtii odayaal ay Gabilay ku faanto oo ilaahay karaamo siiyay, maalintii lasoo gaba gabeeyay khilaafkaasi ayaa waxa uu maayar amiin ka xeeyay qaybo kamid ah saxaafada Gabilay iyo odayaashii arinta dhameeyay kuwaas oo hadalo dar daaran ah ka jeediyay halkii ceelashu kuyaaleen, Ugu dambayntiina waxaa hadalkii qaatay maayar Amiin waxaanu hadalkii ku daray oo uu yidhi ( Waxaa jiro qolyo meelahaasi la wareegaya maryo cas cas… aad baanu uga xunahay xisbiga waddani danta qarankana waa lawaa leeyahay).

 

Akhriste Amin waliba hadal ayay leedahay waayo salaadba wakhtigeeda ayaa la tukadaa, mucaaridka inuu wax ka sheego umaan diidin maayar Amiin balse waxaan leyahay tiiyoo cishaa la eedaamayo hatukan Makhrib.

In aad barato goob walbana hadalka ku haboon waa mid ka mida wax yaabaha la isku dhaafay.

Guntii iyo gaba gabadii maalintii loo baqay maayar Shucayb dalacaad ayuu kaga jawaabay halka Maayar Amiin khilaafkii Ceelasha ee uu damin kari waayay odayaasha dhameeyeen

 

Lasoco qaybaha Dambe iyo dhacdooyin kale.

muxuseen@outlook.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here