Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasaaradda maaliyadda Somaliland ayaa mashruuc waxbarasho oo lagu tayaynayo aqoonta shaqaalaha dawladda ayaa maanta la saxeexatay jaamacadda Hargaysa. Mashruucaasi waxbarasho oo loo fidinayo qaybaha kala duwan ee shaqaalaha dawladda.
Munaasibadii ay labadda dhinaca heshiiska ku kala saxeexanayeen oo ka qabsoontay xarunta jaamacadda ee magaaladda Hargaysa. Waxaana goob joog ka ahaa wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan oo metelaysay dhinaca xukuumadda iyo guddoomiyaha jaamacadda Hargaysa oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka sare ee jaamacadaasi.
Mashruucan waxbarasho oo uu maalgelinayo baanka aduunka waxaa fulin doona jaamacadda Hargaysa. Waxaana lagu tilmaamay in uu ka mid yahay mashaariicda maamul maaliyadeedka wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee la doonayo in lagu tayeeyo aqoonta shaqaalaha.
Waxaanay muhiimadiisu tahay in lagu tayeeyo shaqaalaha dawladda si ay u noqdaan kuwo aqoon u leh, isla markaana ku xeel dheer mashaariicda maamul maaliyadeedka hay’adaha dawladda, kaasi oo ka shaqayn doona sidii loo dhisi lahaa shuruuc maaliyadeedka dalka.
Wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, oo hadal ka jeedisay goobtii ay heshiiska ku kala saxeexanayeen maamulka jaamacadda Hargaysa ayaa sharaxaad ka bixisay faa’iidadda uu leeyahay mashruucan waxbarasho.
Waxaanay tidhi “Heshiiskani aanu la galnay jaamacadda Hargaysa oo ah mashruuca la socda BFM-ka, oo ah sidii loo tayayn lahaa aqoonta shaqaalaha dawladda ee ay u noqon lahaayeen kuwo khubarro ku ah shaqadoodda. Mashruucan waxaa lacagtiisa bixinaya baanka aduunka”.
Guddoomiyaha jaamacadda Hargaysa Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse, ayaa isna dhinaciisa ka waramay mashruucaasi iyo u jeedadda laga leeyahay.
Waxaanu yidhi “Waxay kala saxeexdeen xukuumadda Somaliland oo ay wakiil ka tahay wasaaradda maaliyadda iyo jaamacadda Hargaysa, mashruuc uu baanka aduunku keenay, kaasi oo lagu tayaynayo laguna tababarayo shaqaalaha wasaaradaha”.
Geesta kale guddoomiyaha jaamacadda Hargaysa waxa uu sheegay in jaamacadu u soo xushay in ay bixiyaan tababarkaasi macalimiin aqoon leh, isla markaana imtixaan heer caalami ah laga soo qaaday. Sidoo kale-na shaqaalaha wasaaradda maaliyadda ee tababarkaasi geli doonaa ay yihiin kuwo imtixaan ku soo baxay.
“Jaamacadu waxay u soo xushay macalimiin tayo leh, oo tababarkaas qabta, oo ay imtixaankana ka qaadeen dadka aqoon leh oo heer caalami ah.
Shaqaalahan loo tababarayo wasaaradda maaliyadda iyagna waa dad imtixaan ku soo baxay, kuwaasi oo ilaa sideetan qof (80) ah ayaa aqoontooda la tayaynayaa” ayuu yidhi gudoomiyaha jaamacadda Hargaysa.
Mashruucaasi ayaa mudadda uu socda waxaa lagu tababari doonaa ilaa sideetan qof oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda maaliyadda
Khadar Muuse — HargeisaPress