26-JUN BAY LAHAAYEEN SAACAD DHAAFIMAYSEE LABA SANOO DANBAA LAGU DAREE MAXAY SAMAYN DOONAAN ODAYAASHII FAANKA BADNAA ??

0
915

Guurtidu go,aankoodii waa inoo sheegeen  waxay mudo laba sano oo wax la,a ugu dareen Dalwada Xaaji Axmed Siilaanyo, waxaan odhan lahaa ama aan talo ku bixin lahaa hadii Odayaasha Guurtidu ila tashan lahaaayeen Xaajiga aynu laba wax ka badan u kordhino ugu yaraan 4_sano uga dhigno, runtii maanta abaalkiisu xitaa 10_sano  wuu ka badan yahay .

Waxaa jiray niman odayaal ah  oo faanka iyo faataa dhahda xoog u yaqaanay islamarkaana si weyn uga bootayn jiray Tv-yada kuwaasoo ku hanjabi jiray hadii doorashadu 26_jun dhaafo saacad inay arlada rogayaan , saacad way dhaaftay maalina way dhaaftay bilna way dhaaftay sanadka way dhaaftay  labada sano ku dhawaad ayey maraysaa oo ay guurtidii kordhiyeen, waxaa is waydiin mudan tolow ragii hajabi jiray  ee odhan jiray saacad ma dhaafi karto maxay a amuseen meeday balantii ay galeen mise dibkaa wada dhacay ?

Qarankan oday daalay oo faqash ka hadah uma baahna shacabkana been u sheega hadii shacabka hore been loogu soo sheegi jiray way ka ilbaxeen hada, waxay garanayaan cida dantooda wada iyo cida iyaga danta kaleh, qarankan dhismihiisa waxaa loo soo maray dhibaato badan, Xukuumada Xaaji Axmed Siilaanyo hogaamiyaa dalka iyo dadka wax badan bay u qabatay, waana xukuumadii ugu horumarka badnayd  hadii loo kordhiyo  faaido mooyee khasaare keeni mayso sidii kuwii hore, waar kuwiina wax matarayaasha ah.

Lama joogo maanta maalin la hanjabo ee waxaa la joogaa dal dawlad iyo shacab isku duuban haysta, dadku waxay u heelan yihiin dawaldooda sharafta leh, dawaldauna waxay ku hawlan tahay horumarka wadankeeda, waa hubaal hadii lays kaashado inaynu aduunyada wax la qeybsan doono, kuwa doc ka yeedhkaana aan iska qabano.

Somaliland Guul Iyo Bobanimo Waarta .

 

W/Q: Ugbaad Sulub

Oslo __Norway

ugaabjalaqsan@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here