‎Naxdin‬ & Layaab: Laba Carruur Ah Oo Ku Geeriyooday Meel Biyo Qabtin Ah, Degmada Ibraahim Kood-buur ee Hargeisa

0
937

HargeisaPress —Ayaale Maxamuud Maxamed oo 12 jir ah iyo Yusuf Ibraahim oo 16 jir ah ayaa shalay geeriyooday, kadib markii ay ku dhaceen meel biyo qabatin ah oo ku taal laag daba marta hotel Crown oo biyaha ku shubta dhaamka weyn ee Jig-jiga yar.

 

Macalinka mid ka mid ah labada arday ee dhintay oo magaciisa la yidhaahdo Macalin Xasan Cabdi Xuseen oo ka qaybgalay aaskii iyo hawl-galkii la rabay in lagu badbaadiyo ayaa warkan noo xaqiijiyay. “Laba arday waxa ay ka soo rawaxeen dugsiyadii ay dhiganayeen, kadib Ayaale Maxamuud Alle ha u naxariistee ayaa damcay in uu ku dabaasho, nasiib-daro wuu ku haftay, Yusuf Ibraahim ayaa is yidhi badbaadi, dabadeedna kii yaraa ayaa ku dhagay, sidaas ayay ku geeriyoodeen, Alle ha u naxariisto dhammaantood”.

 

Xasan Aw Ismaaciil Oo Ka mid ah Guddida Xaafaddaas ayaa HCTV u sheegay in sannad walba dhaamka jig-jiga yar ay carruurti ku dhintaan, sidaas awgeedna waxa uu Dawladda Dhexe iyo dawladda hoose iyo bulshada ka codsadeen in degdeg waxa looga qabto xorfadahaas iyo dhaamka jig-jig yar oo sannad walba ay carruur ku dhintaan.

 

Arrinta la yaabka leh, Laagtaas lagu dhintay waa ka hor dhisan guryo aad quruxdooda yaabto, waliba waxa la ii sheegay in laagta guri laga dul-dhisayo, indhahaygana waan ku arkay godadkii tiirarka lagu aasayay oo la qoday.

 

Mid ka mid ah goob-joogayaashu waxa uu ii sheegay in ragga ka soo saaray carruurta oo meyd ah ay ahaayeen raggii gododadka meesha ka qodayay, si guri looga dhiso.

 

Waxa aan u mahad-celinayaa HCTV, gaar ahaan wariye Guraase oo iga aqbalay in ay warbixin ka sameeyeen, waxa aanan filayaa in galabta ilaa caawa laga baahiin doono HCTV warbixintaas oo dhamays tiran.

 

 

Qalinkii: Mustafe Adam

Kibaaro@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here