Yusuf Garaad: Iridda Keliya ee Gegida Dayaaradaha ee Muqdisho

0
945

Haddii aad rabto in aad garato sida aan uga guran nahay curinta ra’yi ama wax cusub oo aan hore u jirin si ay noloshu noogu fududaato, waxaad eegtaa iridda laga soo galo garoonka dayaaradaha Muqdisho lagana baxo. Waa gegida dayaaradaha ee caalamiga ah ee Aden – Cadde.

 

Garoonku wuxuu ku yaal meel dabiiciyan aad u qurux badan. Dhabbaha ay dayaaraduhu ku rooraan wuxuu la teedsan yahay badda oo meelaha qaar aad mooddo in hirka baddu uu soo gaari karo.

Jawiga magaaladu waa mid wanaagsan sannadka intiisa badan, sannad kasta.

 

Intaas waxaa dheer in garoonku uu ku shaqeeyo iftiinka qorraxda oo keliya oo shaqo habeen aanay jirin marka amniga laga reebo.

 

Inkasta oo garoonku uu leeyahay shan irdood oo aad u kala fog oo laga soo geli karo, qaar hor lehna la sameyn karo, haddana isku hal irid ayaa loo adeegsadaa Gelid iyo Bixid labadaba.

 

Waddada keliya ee lagu galo, haddana dhinac ayay ka xiran tahay, waxaana dhex yaalla dhagxaan waaweyn oo shub ah oo jidgooyo u eg looguse talo galay gabbaad nooc dhufeys ah. Waxaa intaa dheer dhowr isbaaro oo isla waddadaas dhex yaalla oo lagu baaro gaadiidka. Qaarkood ciidan Soomaali ah ayaa taagtaagan, kuwa kalena askarta iyo saraakiisha AMISOM ayaa fadhi iyo taagniba ku maamula.

 

Waa meel isgoys ah oo waddada Medina ka timaada ay uga soo dhacdo waddada gegida lagu galo.

Mararka qaar waxaa dheeraada safka ay ku jiraan baabuurta sugeysa in ay gasho gegida dayaaradaha. Taas ayaa saameysa isu socodka gaadiidka ee isgoyska. Marmar waxaa dhacda in baabuurtu ay isku xannibmaan. Hal baabuur haddii loo diido in uu galo gegida, oo dib loo soo celiyo xaaladdu wey ka sii dartaa oo waa in uu dib ugu soo laabtaa isla waddadii baabuurtu ay safnayd.

 

Saxmadda Dadka

Waxaa iyaguna isla goobta tuban dad tiro badan oo kala ujeeddo ah. Waxaa ka mid ah askar badan oo hubeysan oo qaarkood ay sitaan boobayaal kala nooc ah oo uu ka mid yahay qoriga riddada dheer ee dabamiinshaarka loo yaqaan, markaana isdhaaf u garwaaxiidsan rasaas. Askartan oo gashan direys ciidan oo kala nooc nooc iyo midabbo ah, waxay isugu jiraan kuwo gegida ilaaliya iyo qaar meesha ku sugaya soo laabashada baabuur ay ilaalinayeen oo gudaha ku maqan.

 

Inkasta oo mas’uuliyiiinta sare ee Dowladdu ay isticmaalaan irdo kale, haddana mararka qaar waxaa dhacda in sidii dagaal dhici rabo ay goobta yimaadaan baabuur dul bannaan ah oo xawaareynaya, oo markaa ay ka soo daataan askar aad u hubeysan oo tiro badan. Waxay markiiba ka howlgalaan si ay u gudbiyaan baabuur dhex iyo caga waaweyn oo la yiri xabbaddu ma karto oo ay gelibinayeen. Waxaad qiyaasi kartaa uun in uu fuushan yahay qof madax ah. Markaas ayay saxmadda gaadiidka iiyo midda ciidankuba ay ka sii daraan. Is dhex yaaca, fara isku taagga iyo qeyladuna wey bataan.

 

Aniga ilama ahan in muuqaalkaasi uu yahay midka ugu fiican ee magaalada ra’yi wanaagsan ka siin kara qofka Soomaaliga ah ee dalka muddo moogaa ama ay hadda ugu horreyso sida dhallinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhashay. Sidoo kale qofka ajnebiga ah oo markii horeba shakiga iyo baqdinta ka qabay imaatinka Muqdisho, marka waxa ugu horreeya ee uu arko uu yahay muuqaalka noocaas ah, waxa keliya oo ku sii kordhi kara shakiga awalba ku jiray ee ahaa armay khalad tahay in uu Muqdisho yimaado.

 

Haddii ay wax dhacaan ma laha waddo kale ama jiho loo baxo oo xaaladdaas looga badbaado.

Meel Baabuurta la Dhigto

Garoonku ma laha xero baabuurta la dhigto oo nadiif ah laguna ilaaliyo. Weliba dhul weyn oo ballaaran oo aan dhisneyn oo ay Dowladdu leedahay ayaa ku dhinac yaal iriddan mashquulka badan. Bannaankaas oo la oodo, irdo loo yeelo, ilaalana la dul dhigo wuxuu dadka safraya iyo kuwa sagootinaya ama soo dhaweynaya u sahli lahaa howshooda iyo bedqabkooda. Waxaana ka soo xaroon lahaa dakhli.

 

Dakhli naga soo gala iska daaye, Barxaddaas annaga ayay hadda lacagi nooga baxdaa sannad kasta. Marka ay dabayshu ka soo dhacdo dhanka badda, waxay hore u soo martaa dhulkaa bannaan, waxay ka soo qaaddaa bacaad ay ku reebto waddada. Wuxuu uga sii daraa waddada oo uu dhinac dhan si ku meel gaar ah uu u dul deggenaado ilaa kharash lagu bixiyo oo laga qaado inta aanuu ku soo laaban saacado ka dib.

 

Gelid iyo Bixid

Waxaa iyadana ay taladeedu maqan tahay in la helo irid laga galo gegida iyo mid laga baxo oo haddii ay suurta gal tahay kala fog. Tusaale ahaan, Iridda hadda loo yaqaan Medina Gate waxay noqon kartaa Gelid, u furan dhinaca Gegida oo keliya, kana owdan dhanka Xalane. Iridda hadda la adeegsadana waxay khaas u ahaan kartaa Bixid oo keliya.

 

Sir ma ahan in Medina Gate ay badiyaa AMISOM adeegsato, laakiin waxay AMISOM  adeegsan kartaa iridda loo yaqaan Jazeera Gate ama irid kale ayay sameysan kartaa.

Taasi waxay dhimi lahayd saxmadda, waxay koobi lahayd wakhtiga uu safarku qaato, waxayna yareyn lahayd khatarta amni oo xataa haddii aad is illowsiiso adiga oo Muqdisho jooga, iyadu is kaa xusuusineysa.

 

 

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

http://yusuf-garaad.blogspot.com 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here