Xuska 110 Guurrada Ka Soo Wareegtay Madax Banaanidda Taiwan Oo Hargaysa Lagu Qabtay

0
330

Hargaysa (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo xubno ka mida golaha wasiirrrada ayaa ka qayb galay munaasibad lagu xusayay 110 guuradda ka soo wareegtay madax banaanidda  jamhuuriyadda Taiwan oo ka qabsoontay magaaladda Hargaysa.

Wxaana munaasibadaasi soo qaban qaabisay safaaradda ay dawladda Taiwan ku leedahay caasimadda Somaliland ee Hargaysa, iyadoona ay uu ka soo qayb galay safiirka dawladda Taiwan u fadhiya Somaliland iyo masuuliyiin kaloo safaaradda ka tirsan.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo khudbad ka jeediyay munaasibadaasi ayaa u muujiyay  dawladda iyo shacabka jamhuuriyadda Taiwan dabaal degga xuska sanad guurrada ka soo wareegtay markii ay xornimadda qaateen.

Isagoona xusay in shacabka jamhuuriyadda Somaliland iyo xukuumaduba ay si weyn ugu faraxsan yihiin xuska dabaal degga sanad guurrada jamhuuriyadda Taiwan oo shalay ku beegnayd.

Waxaanu sheegay in jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Taiwan ay muddo sanad iyo dheeraad ah xidhiidh saaxiibtinimo wada lahaayeen, isla markaana ay dawladda Taiwan waxyaabo aad u fara badan ka caawisay Somaliland.

Sida dhinacyadda caafimaadka, waxbarashadda, beerraha, tignoolajiyadda, aqoonta iyo sidoo kale doorashooyinkii Somaliland ee badhtamihii  sanadkan dalka qabsoomay oo uu sheegay in Taiwan ay qayb weyn ka qaadatay.

 

DAAWO: Khudbadii C/raxmaan Saylici:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY