Xukuumadda Somaliland oo Walaac Ka Muujisay Cunaqabataynta-Hubka Ee Soomaaliya Laga Qaaday

0
1650

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay walaac xoogan ka muujisay cunaqabaynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.

Somaliland, ayaa waxaa ay sidoo kale sheegtay in uu gobolka Geeska Afrika ku keeni karo khatar amaan daro ah.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa walaac lagaga muujiyay khatar amaan oo ay Somaliland sheegtay in uu sababi karo hubka loo fasaxay Soomaaliya.

Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay sheegtay in dagaalkii sokeeye ee ba’naa ee galaaftay nolosha 200,000 oo muwaadiniin reer Somaliland ah, uu si weyn u xasuusinayo khatarta uu leeyahay hubka diyaarka ah ee la heli karo.

Waxayna ay Xukuumadda Somaliland sheegtay in hubku uu khatar ku noqon doono dhamaan gobolka.

Sidoo kale, Somaliland waxaa ay sheegtay in Soomaaliya aanay lahayn nidaam fiican oo ay hubka ku xakamayso taasi oo sababi karta in hubku uu gacanta u galo kooxaha Argagixisada ah. taasi oo waxyeelayn doonta dhamaan amaanka gobolka, ayna abuurayso deegaan uu hubku khatar ku hayo daganaanshaha.

Ugu danbayn, Somaliland waxa ay sheegtay in ay u soo jeedinaysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu si qoto dheer uga fiirsado dhibaatada culus ee ka dhalan karta qaadista cunaqabataynta hubka, isla markaana la hirgaliyo nidaam lagu xakamaynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here