Xukuumadda Somaliland oo Si Adag Uga Hadashay War Lagaga Dhowaaqay Xamar

0
1981

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxammed Kaahin Axmed, ayaa waxaa uu eedaymo culus u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Maxamed Kaahin, ayaa ku eedeeyay Soomaaliya in ay wado barnaamij isdhexgal lagaga dhex abuurayo dhalinyarada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay in aanu faa’iido lahayn.

Wasiirka, ayaa sheegay in aanay waxba soo kordhinayayn is dhex galka Xamar iyo Hargeysa laga sameeyaa.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in dhalinyaro reer Somaliland ah ay magaalada Muqdisho u tageen barnaamijka isdhexgalka dhalinyarada oo ay Soomaaliya ka shaqaynayso.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa tilmaamay in Dhalinyaradaasi Soomaaliya tagtay ay xaalad aad u xun, nolol aad u xun iyo dhibtaato aad xun ay ku joogaan Xamar.

Barnaamijka isdhexgalka dhalinyarada, dhaqanka iyo fanka, ayaa kamid ahaa qodobadii lagu soo hadal qaaday wada-hadaladii fashilmay ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ee ku dhex maray dalka Jabuuti 15, Juun, 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here