Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay In Golaha Wakiilladu 3 Sanno Sii-Qadinteen Mushaharkooda

0
1897

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay ka hadashay warar maalmihii u dambeeyay tibaaxayay in Xildhibaanada golaha Wakiillada laga jaray mushaharaadkoodii oo aanay wax mushahar ah qaadan.

Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif oo hadal ka jeediyay magaalada Hargeysa, ayaa meesha ka saaray in Xildhibaanada golaha Wakiilladu mushahar la’aan yihiin.

Cabdikariin Xinif, ayaa waxaa uu sheegay in Xildhibaanada golaha Wakiilladu ay saddex sanno sii qadinteen mushaharkooda.

Guddoomiyaha, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Xildhibaanada Wakiilladu ay Baanka Dhexe ee Somaliland ay ka qaateen mushaharaadka ay sii qadinteen saddexda sanno.

Xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland, ayaa la sheegay in aanay wax mushahar ah qaadan bilihii aynu soo dhaafnay ee April iyo May, xilli ay Golaha hortaallo miisaanniyad sannadeedkiii 2024 ka oo madaxweynuhu uu dib Golaha ugu soo celiyey.

Is af-garawaaaga soo kala dhex galay golaha Wakiillada iyo Xukuumadda oo la xidhiidha odoroska Miisaaniyadda, ayaa sababay in fadhiyadii Golahu kooram la’aan u furmi wayo.

Khilaafka miisaaniyadda ee Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxka bedel ku sameeyay odorooska miisaaniyadda ee ay soo gudbisay Xukuumaddu, iyadoona madaxweyne Biixi uu dib ugu soo celiyay golaha Wakiillada, isagoo amray in lagu sii dhaqmo miisaaniyaddii hore ee sannadkii 2023-kii.

Golaha Wakiillada, ayaa guddi ka kooban 15 xubnood u saaray in arrintan cakiran ee u dhaxaysa Xukuumadda iyo golaha Wakiillada ee la xidhiidha miisaaniyadda ay ka soo talo bixiyaan, kuwaas oo aan illaa iyo hada ka soo saarin wax natiija ah.

Golaha Wakiillada, ayaa la sheegay in ay sameeyeen awood dheeraada oo ah qaabka ay wax uga badaleen miisaaniyadda ay xukuumaddu u soo gudbisay, taasi oo ay talaabooyinka ay  qaadeen meelaha qaar khilaafaysay sharciga.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Golaha Wakiillada ku eedeeyay inay maroorsadeen awooddii xukuumadda uu hoggaamiyo.

Eedeynta Biixi, ayaa timid kadib markii muddo Golaha Wakiillada uu horyaallo miisaaniyadda qaranka oo ay ahayd in ay shaqayso bishii koowaad ee sannadkanba, taasi oo dib u dhac bilooyin ah ku yimid.

Golaha oo hore u ansixiyay miisaaniyadda horraantii bishan, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dib ugu soo celiyay golaha, kadib markii uu diiday wax ka beddel uu goluhu ku sameeyay miisaaniyadda.

Madaxweyne Biixi, ayaa tilmaamay in goluhu aanu awood u lahayn wax ka beddelka miisaaniyadii dowladdu soo diyaarisay, islamarkaana ay tahay inay sidii hore ku soo meel-mariyaan.

Arrimo dhowr ah ayuu madaxweynaha ku sababeeyay ujeedada uu golaha Wakiillada ugu celiyay miisaaniyaddii ay soo ansixiyeen, taasi oo ay kamid aheyd in goluhu wax ka beddeleen kala mudnaantii miisaaniyadda.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa la sheegay in uu diidan yahay lacago dheeraad ah oo Goluhu dhinacyo kale ay ugu dareen miisaaniyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here