Xukuumadda Somaliland oo joojisay caleemo saarada Suldaanada iyo Cuqaasha

0
1382
Wasiir Kaahin oo Lagu Eedeeyay Sharci Jebin

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa waxaa ay gebi ahaanba joojisay Caleemo saarka Suldaanada, Chief-Caaqilada iyo Cuqaasha, ilaa iyo inta ay dhamaanayaan Doorashooyinku.

Sidaasna, waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha, taasi oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Wasaaradda, ayaa fartay dhamaan Gudoomiyeyaasha Gobollada & Degmooyinka dalka Somaliland iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland in la joojiyay caleema-saarka Suldaanada, Chief-Caaqilada iyo Cuqaasha.

Waxaana ay wasaaraddu fartay cidii ku dhaqmi weyda amarka in talaabo sharciga waafaqsan laga qaado, laga bilaabo taariikhda warqaddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here