Xukuumadda Somaliland oo hal arrin ku boggaadisey dowladda Itoobiya

0
3369

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxaa ay dhambaal hambalyo ah u dirtay dowladda iyo shacbiga dalka Itoobiya.

Xukuumadda Somaliland, ayaana dowladda iyo shacbiga Itoobiya ku boggaadisey munaasibada sannadka cusub ee tirsiga Itoobiya 2017 darteed.

Waxaana sidaasi lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland.

Qoraalka, ayaa lagu xusay in Wasaaraddu iyadoo ku hadlaysa magaca xukuumadda Somaliland ay dhambaal hambalyo ah ku boggaadineyso dowladda iyo shacbiga Itoobiya.

Waxa kaloo qoraalka lagu sheegay in Xukuumadda Somaliland u rajayneyso inuu sannadkan cusubi uu noqdo mid barwaaqo, nabad iyo iskaashi u horseeda labada qaran ee Somaliland iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here