Xukuumadda Somaliland oo boggaadisey Wasiirka cusub ee arrimaha dibedda Itoobiya

0
2233

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa dhambaal boggaadin ah u diray Wasiirka cusub ee loo magacaabay Wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya, Dr.Gedion Timothewos.

Wasiir Ciise Keyd isagoo ku hadlaya magaca xukuumadda Somaliland, wuxuu dhambaal hambalyo ah ku soo dhaweeyay

Wasiirka cusub ee arrimaha dibedda Itoobiya oo loo magacaabay Dr. Gedion Timothewos.

Waxaa uu wasiirku u rajeeyay Wasiirka cusub ee arrimaha dibedda Itoobiya inuu ka shaqeeyo xoojinta xidhiidhka iyo cilaaqaadka labada ee waddan ee Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka cusub Wasaaradda arrimaha Dibedda Itoobiya Dr. Gedion Timothewos, ayaa bedelaya Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi oo dhawaan loo magacaabay xilka madaxweynaha Itoobiya.

Somaliland iyo Itoobiya, ayaa ah labada dal oo ku naaloonaya saaxiibtinimo qoto dheer isla-markaana leh iskaashi siyaasadeed, ganacsi iyo mid dhinaca ammaanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here