Xukuumadda Somaliland oo boggaadisey Madaxweynaha cusub ee dalka Botswana

0
2180

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay ka hadashay doorashadii dhawaantan ka dhacday dalka Botswana ee lagu doortay madaxweynaha cusub.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa waxaa ay dhambaal boggaadin ah u dirtay madaxweynaha cusub ee dalka Botswana, Duma Boko.

Wasaaradda arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa ku bogaadisay doorashada ka qabsoontay dalka Botswana oo lagu doortay madaxweyne Duma Boko.

Waxaa ay Wasaaradda arrimaha Dibeddu ay shaacisay inay ka go’an tahay dowladda Somaliland in ay cilaaqaad iyo iskaashi la yeelato dowladda Botswana.

Sidoo kale, waxa kaloo ay intaas ku dartay inay Somaliland doonayso inay xoojiso xidhiidhada laba geesoodka ah ee la yeellanayso Botswana.

Wasaaradda arrimaha Dibeddu waxa ay tilmaantay inay rabto in mustaqbal ifaya ay wada abuurtaan Somaliland iyo Botswana.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here