Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta oo Hirgeliyay Heshiiskii Fiberka

0
1214

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee bixiya addeegyadda isgaadhsiinta ee ka hawl galla Somaliland, ayaa maanta hirgeliyay heshiiskii ay hore uga wada gaadheen keenida xadhiga Fiber Optic.

War-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyada Somaliland, ayaa waxaa lagu sheegay in uu hirgalay heshiiskaasi hore u dhexmaray sadexda shirkadood ee kala ah Somtel, Telesom iyo Somcable.

Wasaarada isgaadhsiinta Somaliland iyo shirkadaha Somtel, Telesom, iyo Somcable, ayaa 8 bishii February heshiis ka gaadhay khilaafkii ku aadanaa keenista xadhiga Fiberka.

Heshiiskaasi, ayaa nuxurkiisu ahaa in la wadaago lahaanshaha xadhiga fiberka ah oo ah hanti qaran islamarkaana ay xadhigaasi wada yeelan doonaan xukuumadda Somaliland iyo sadexda shirkadood ee Somtel, Telesom iyo Somcable.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here