Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasaaradda cadaaladda Somaliland, ayaa waxaa ay maanta ruqsadihii kala noqotay qaar ka mid ah nootaayooyinka ka hawl gala gobolka Maroodijeex, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda.
Bayaanka Wasaaradda, ayaa lagu sheegay in ay ruqsad kala noqoshada Nootaayooyinkan u cuskatay qodobka 18aad ee xeerka Nootaayooyinku Xeer Lr: 18/2001 kuwaas oo sifo sharciga waafaqsan looga laalay ruqsadihii ay haysteen.
Sidoo kale bayaanka, ayaa lagu sheegay in lagu wargeliyay nootaayooyinkaas in wixii dhokmentis ah iyo shaanbadaha ah ee ay hayaan ay ku wareejiyaan agaasimaha waaxda wasaaradda cadaaladda ee gobolka Maroodijeex.
Waxaa kale oo ay fartay in wixii gobolada ahna ku wareejiyaan Isku-duwayaasha gobolada ee wasaaradda Caddaaladda sida uu dhigayo Qodobka 7aad farqadiisa 3aad ee Xeerka Nootaayooyinka Xeer Lr:18/2001.
Hoos ka akhriso bayaanka wasaaradda