Xukuumadda oo jawaab ka bixisey hadal ka soo yeedhay Cabdiraxmaan Cirro

0
1261

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa waxaa uu jawaab kulul ka bixiyay hadal ka yeedhay murrashaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

Wasiirka Xidhiidhka goleyaasha, ayaa hadalka murrashax Cabdiraxman Cirro ku tilmaamay mid ay ka muuqato aqoondaro ka haysata dastuurka dalka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa Cabdiraxman Cirro ugu baaqay inuu dadka u sheego in uu aqbalayo doorashada marka laga helo, isla-markaana buu yidhi aanu odhan dad dhintay ayaa codeeyay.

“Xukuumadu dastuuriyan waxay u xilsaaran tahay daabacaada lacagta shilinka Jamhuuriyada Somaliland.

Hadaba hadalka Cabdiraxman Cirro waxa ka muuqata aqoondaro dastuurka dalka ah waliba sidaa waxa uu ahaa 12sano Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland.

Waxa aan leehay Cabdiraxman Cirro dadka u sheeg in aad aqbalayso doorashada marka lagaa hello in aadan odhan  sanadkan dad dhintay ayaa codeeyay.” ayuu yidhi Wasiirka Xidhiidhka golleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here