Xukumada Siilaanyo Oo Xabsiga dhigtay Ganacsade Cumar Caydiid oo maalgashadey Dhismaha Tiyaatarka Magaaladda Hargeysa

0
964

Hargeysa, (HargeisaPress) —Ciidamada Booliska Somaliland ayaa  Xabsiga u taxaabay Ganacsade Cumar Caydiid.Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Ciidamada Booliska Somaliland oo la xidhiidha Xadhiga Ganacsadahan iyo waxa uu geystay.

 

Xadhiga Ganacsade Cumar Caydiid ayaa lala xidhiidhinayaa, kadib markii uu dib u soo laba kacleeyay murankii ka dhashay tiyaatarkii Magaalada Hargeysa oo uu dhismihiisa waday Ganacsade Cumar Caydiid.

 

Sidoo kale arrintan ayaa timid ka dib markii ay ganacsadaha iyo xukuumadu isku khilaafeen baarkinka baabuurta la dhigo ee Tiyaatarka magaaladda Hargeysa oo uu ganacsade Cumar Caydiid maalgalin badan ku bixiyey isla markaana dhismihiisu  mudo sanado ah socday, balse xukuumada Siilanyo ay Baarkinkiisa soo siisay xubno Salaadiin ah, taas oo uu ka biyo diiday isaguna, ayna sababtay in xabsiga loogu taxaabo diidmadaasi.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here