“Xornimada 26 June Xamar meel ay ka soo gashaa ma jirto”

0
1160

London (Hargeisa Press)- Guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex Khadar Baaruud, ayaa khudbad ka jeediyay munaasibad lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska, taasi oo lagu xusayay 64 guuradii ka soo wareegtay maalintii ay Somailand xoriyadda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 26 June 1960-kii.

Guddoomiye Khadar Baaruud, ayaa khudbadiisa si qoto dheer kaga waramay marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray xoriyadda iyo qaabkii ay ku timid.

Khadar Baaruud, ayaa waxaa uu sheegay in sanad-guurradan maalinta xoriyadda Somaliland, aanay jirin meel ay Soomaaliya ka soo gasho.

Sidoo kale, wuxuu xusay in aanay jirin 26 Jun wax debaaldeg ah oo ka dhacay Xamar, maalintii xoriyadda looga dabaal-degayay beerta xorriyadda Hargeysa.

Guddoomiyaha, ayaa sheegay in Xamar ay buun-buuniso taariikhda SYL oo ay ku jireen buu yidhi rag aan aqoon layn.

Heshiiskii lagu saxeexayay xoriyadda Somaliland ee uu hoggaaminayay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayuu sheegay in cidii goobjooga ahayd ay ahaayeen reer Somaliland, isla-markaana aanay jirin cid ka socota Soomaaliya oo heshiiska goobjoog ka ahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here