Xoghayaha Guud ee KULMIYE oo Shaaciyey Wadahadallo u Socda Xubno ka mid ah Siyaasiyiintii ka Cadhooday Xisbiga

0
935

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xoghayaha guud ee xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE Mr. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inuu jiro wadahadal u bilaabmay hoggaanka xisbiga iyo qaybo ka mid ah siyaasiyiinta ka cadhooday shirkii 5aad ee Golaha Dhexe ee KULMIYE ee la baxay garabka isbahaysiga dimuqraadiyad-doonka.


Xoghaye Xasan Siciid waxa uu sheegay in wadahadalo isugu jira kuwa hoose iyo qaar toos ahiba u socdaan KULMIYE iyo siyaasiyiinta ka maqan, kuwaas oo uu xusay inay ku dadaalayaan sidii ay qayb uga sii ahaan lahaayeen xisbigooda.


“Dabcan, wadahadallo hoose iyo kuwo toos ahiba way iska jiraan, mana rajo xumin, mabda’iyan arrinta xisbi ahaan naga go’ani waxa weeye in aannu raggaa soo dhawayno, la hadalno oo gogosha u fidino oo wixii la tabanayaba laga wadahadlo, waanuna jecelnahay inay nagu soo laabtaan oo aannu dhammaysanno wixii naga dhexeeya, waanay jiraan isu-soo dhawaansho iyo dad ka shaqaynaya in arrintaasi oo la wadahadlo,” ayuu yidhi Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo u warramay telefishanka Royaltv maanta.


Hase ahaatee, waxa uu xusay inay waajib tahay u hoggaansanka go’aamadii ka soo baxay shirkii Golaha Dhexe ee lagu doortay murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici horraantii bishii October 2015, waxaannu yidhi, “Waxase shardi ah xisbigu sharci iyo dastuur buu leeyahay waa in loo hoggaansamaa go’aamadii ka soo baxay shirkii Golaha Dhexe xisbiga, waa mid waajib ku ah cid walba iyaga, annaga iyo cid kastoo ka tirsan xisbiga.”


“Ninkii meel kale tagayaa waa ikhtiyaarkii oo cid la qasbayaa ma jirto, laakiin annagu waanu soo dhawaynaa oo wixii dhexdayada ahna waanu dhammaysanaynaa,” ayuu hadalkiisa raaciyey Xoghayaha guud ee KULMIYE.


Waxa kaloo uu rajo wayn ka muujiyey guul xisbiga KULMIYE ka soo hooyo doorashooyinka soo socda, waxaanna isagoo ka jawaabayey su’aal arrintaa laga waydiiyey uu yidhi, “Taladu waa ta Ilaahay, guusha iyo guuldarraduna xagga Ilaahay bay ku xidhan tahay, laakiin annagu rajada aannu qabnaa waa boqolkiiba boqol in aannu ku guulaysan doono doorashada soo socota, tii Allena meel bay taal.”

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here