Gudoomiyaha ururka Dimuqraadiga shacabka oo Hargeysa lagu soo dhaweeyay

0
493

Hargeysa (HargeisaPress)–Gudoomiyaha ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland, Axmed Cabdale Digaale ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa

Gudoomiyaha ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland, Axmed Cabdale Digaale ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa.

Masuuliyiin iyo taageerayaal tiro badan ayaa gudoomiyaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa, khadar Maxamed Ibrahim oo ka mid ah masuuliyiinta maanta soo dhaweeyay Gudoomiyaha ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyay wuxu yidhi”maanta waxa aynu Hargeysa ku soo dhawaynaynaa gudoomiyihii ururka Dimuqraadiga Somaliland Axmed Cabdale Digaale, ujeedada ugu wayn ee ururka loo sameeyay waxa weeeyi in Aynu dalkeena ka saarno siyaasad xumida maanta ka jirta dalka oo aynu caalamka la jaan qaadno, umadana horumar loo horseedo”

Cabdiqaadir cabdilaahi oo ka mid ah masuuliyiinta ururka Dimuqraadiga Somaliland oo isna ka hadlay soo dhawaynta gudoomiyaha ururka ayaa yidhi “ururkan lama kala laha waa urur aanu mudo ka soo shaqaynay, oo aanu rabno in aanu isbedel ugu samayno dalka iyo dadka”

Qaar ka mid ah dadkii ka qayb galay soo dhawaynta maanta ayaa sheegay in ay taageersan yihiin madaxda sare ee ururka isla markaana ay siin doonaan codkooda, lana barbar istaagi doonaan taageero hiil iyo hooba leh

Ugu dambayn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdale Digaale waxanu u mahadnaqay taageerayaasha ururka ee maanta ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Hargeysa, iyo sido kale Madaxweynaha Somaliland oo ku dhiiraday in uu furo ururada siyaasada oo Janis iyo fursad u siiyay shacabku in ay ururo furtaan

Ururka Dimuqraadiga Shacabka Somaliland ayaa lagaga dhawaaqay dalka Holland waxana hogaaminaaya siyaasiyiin iyo aqoonyahano wax ku soo bartay dalka dibediisa.

LEAVE A REPLY