Xisbiga UCID oo Cadeeyay Mowqifka Uu Ka Taagan Yahay Arrinta Doorashada

0
1492

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xoghayaha warfaafinta ee Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi, ayaa waxaa uu ka hadlay is mariwaaga siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashooyinka madaxtooyadda iyo ta ururada siyaasada.

Xoghayaha warfaafinta Xisbiga UCID oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa waxaa uu cadeeyay mowqifka ay xisbi ahaan ka taagan yihiin qabashada doorashada, isagoona sheegay in ka xisbi ahaan aanay u tanaasuli doonin arinkasta oo timaada.

Waxaana uu Xoghayuhu sheegay in sababta aanay u tanaasuli doonin ay tahay maadaama buu yidhi ay Xisbiyada mucaaradku hore ugu tanaasuleen Xukuumadda.

Xoghaye Yuusuf Kayse, ayaa sheegay in habayaraatee aanay Xisbiga mucaaradku aqbali doonin waxkasta oo sharci daro ah oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale, Xoghayaha warfaafinta Xisbiga UCID, ayaa waxaa ka hadlay warar maalmihii u dambeeyay la isla dhexmarayay oo sheegayay in uu burburay Isbaahaysigii xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADDANI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here