Xisbiga Kulmiye oo War Cusub Ka Soo Saaray Loolanka Maxamuud Xaashi

0
1729

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xisbi xaakimka talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa maanta war cusub ka soo saaray musharaxnimada uu ku dhawaaqay Maxamuud Xaashi Cabdi ee gudoomiyenimada Xisbigaasi.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ahaa Wasiirkii Madaxtooyada, ayaa dhawaan shaaciyay in uu u sharaxan yahay Gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye.

Hadaba Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Axmed Cabdi Dheere oo Maanta Warbaahinta kula hadley xafiiskiisa, ayaa ka jawaabay waraysi uu dhawaan bixiyey Wasiirkii horre ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo uu ku sheegay u tartamida mowqifkiisa jagadda guddoomiyennimo ee Xisbiga KULMIYE, isagoona sheegay Axmed Cabdi Dheere in Maxamuud Xaashi uu damaciisu indhaha ka riday.

Hoos ka daawo muuqaalka warka

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here