Xisbiga Kulmiye oo awoodiisa taageero ku soo bandhigay ololaha doorashada

0
1049

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga midnimada iyo horumarka Somaliland ee KULMIYE, ayaa waxaa uu saaka ololihiisa doorashada dalka ku soo bandhigay wacdaro leh astaanta guusha.

Kumanaan iyo kumanaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland oo ka qaybgalay furitaanka ololaha xisbiga ee galay maalintii 10aad oo maalintiisii u horeysay ay ahayd maanta, ayaa isu-soo-baxyo mahrajaanno indho-daraandar ah ka sameeyey dalka oo dhan, iyadoo shacabka bannaanbaxyada taageerada KULMIYE maanta ka sameeyey magaalooyinka waawayn sida Hargeysa, Burco, Boorama, Berbera, Ceerigaabo, Caynaba, Oodweyne, Balligubadle, Gabiley iyo Saylac.

Waxay suuqyada iyo shaaracyadoodu u eekaayeen kuwa isu rogay midabka calanka xisbiga KULMIYE ee ka kooban laba midab ee Huruudda iyo Doogga, taas oo muujisay sadaal guul cad oo xisbiga KULMIYE markale ka soo hoyn doono doorashada Madaxtooyada.

Taageerayaal aan farahooda la qiyaasi karin oo ka mid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa isu soo bax qarqiyey jidadka, suuqyada iyo xaafadaha degmooyinka magaalada oo ay sida daadadka socod ku mareen ku soo bandhigay taageerada KULMIYE, kuwaas oo markii dambey isugu soo biyo-shubtay xarunta Khayriyada oo markii ay buux-dhaaftay ay taageerayaashu safaf dhaadheer u galay waddooyinka kala duwan ee ku hareeraysan fagaarahaas.

Kumanaanka taageerayaasha KULMIYE ah ee isugu soo baxay magaalada Hargeysa oo iyagoo si qurux badan ugu soo lebbistay astaanta KULMIYE ku dhawaaqayey erayo iyo hal-ku-dhegyo ay ku tilmaamayeen guusha xisbiga iyo murrashaxiintiisa oo ay ka mid ahaayeen ‘Geesigii wuu guulaysanayaa’ iyo qaar kale oo badan.

 

Waxaanna isu soo baxa fagaaraha beerta Xorriyadda kala qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxda iyo haldoorka kale ee xukuumadda iyo xisbigaba, madaxda ololaha Gobolka Maroodi-jeex, Masuuliyiin iyo siyaasiyiin miisaan leh oo ka tirsan xisbiga KULMIYE oo ka hadlay fagaaraha, ayaa bogaadiyey taageerayaasha KULMIYE ee caasimadda Hargeysa iyo gobolada iyo degmooyinka dalka, waxaanay ku adkeeyeen inay codkooda si ka fiirsasho leh u siiyaan xisbiga iyo murrashaxiintiisa.

Sidoo kale, isu-soo-baxyo baaxaddooda aad u ballaadhan tahay oo shacabka reer Somaliland si siman ugu soo bandhigeen heerka ay taagantahay taageeradooda ay u hayaan xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa ka qaybsoomay magaalooyinka Boorama, Burco, Gabiley, Berbera, Ceerigaabo, Caynaba, Oodweyne, Balligubadle iyo Saylac iyo deegaanada kale ee dalka, kuwaas oo ay kala qaybgaleen madax kala duwan oo uu ka mid yahay murrashaxa jagada Madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin, xubno hoggaanka sare ee KULMIYE ka mid ah, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo guddiyada ololaha xisbiga ee gobollada kala duwan ee dalka.

Hase yeeshee, kumanaanka taageerayaasha xisbiga KULMIYE ah, ayaa fiidnimadii xalay isu soo baxyo waa weyn ka billaabay caasimadda Hargeysa iyo gobolada iyo degmooyinka dalka, iyagoona soo bandhigay cuduudooda taageero ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

Xisbiga Kulmiye oo haatan bilowga ololihiisa doorashada ee maanta ka sameeyay guulo fara badan, ayaa la saadaalinayaa in uu yahay xibiga qudha ee ku guuleysan kara doorashada madaxtinimada ee ka qabsoomaya 13 bisha November ee sannadkan 2024-ka, isagoo lagu dooranayo waxqabadka u hore uu soo sameyay xisbigu.

default

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here