Xildhibaannada Congresska Maryekanka oo Dalab La-Xidhiidha Somaliland U Gudbiyay Maamulka Biden

0
1615

Washington (Hargeisa Press)- Xildhibaanno ka tirsan golaha Congresska Maryekanka oo uu hormuud u yahay xildhibaan Micheal McCaul oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga sidoo kalena madax ka ah Guddida Arrimaha Dibedda ee golahaasi, ayaa waraaq u qoray Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka Antony Blinken.

Xildhibaannada Congresska, ayaa Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka Antony Blinken, warqadan kaga dalbanaya in kor loo qaado isla markaana la xoojiyo xidhiidhka Mareykanku la leeyahay Somaliland.

Xildhibaannadan, ayaa ku boorriyay maamulka Madaxweyne Biden inuu mudnaanta siiyo xidhiidh qotodheer oo Somaliland lagala yeesho danaha ay labada dhinac wadaagaan sida diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo ammaanka.

Waxa ay sheegeen in goobta istraatijiyadeed ee ay Somaliland kaga taallo qoorriga cadmeed, sida ay addduunyada ugala shaqayso la dagaallanka argagixisada, budhcad badeedda iyo khataraha kale ee amni ee gobolka iyo waliba xidhiidhka ay la leedahay Tawian inay ku dhiirri galinayaan Mareykanka inuu raadiyo fursado kale oo uu kula shuraakoobi karo Somaliland.

Waraaqdan ay xildhibaannadu u direen xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, ayaa waxaa ay ku tilmaameen in dhacdooyinkii u danbeeyay ee ka dhacay Geeska Afrika sida xaaladda Suudaan iyo is-qabqabsiga siyaasadeed ee Somalia oo iyaduna soo xoojisay dhaqdhaqaaqyadii Al-shabaab ay Mareykanka ku qasbayso inuu dib uga fikiro Istaraatijiyadda uu kula dhaqmo Geeska Afrika si uu wax uga qabto caqabaha baaxadda leh iyo khataraha ku gadaaman danaha Mareykanka ee gobolka.

Waxa la yidhi Somaliland waxa ay si madax bannnaan u shaqaynaysay 30kii sano ee u danbeeyay, waxaanay si iskeed ah u maamulaysay amnigeeda, hannaankeeda dhaqaale iyo xidhiidhadeeda ganacsi.

Dalal badan oo gobolka ka tirsan, oo ay ku jiraan Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, ayaa xidhiidho diblomaasiyadeed iyo mid ganacsi la leh Somaliland.

Dalal badan ayaa sannadkii hore kor u qaaday xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland sida Itoobiya oo wakiilkeedii Somaliland kor u qaadday darajada Safiir halka Kenyana ay xafiis diblomaasiyadeed ka furatay sannadkii hore.

Sidoo kale, Ingiriiska, Midowga Yurub, Imaaraadka Carabta iyo Turkiga ayaa xafiisyo wakiileed ku leh Somaliland.

Xildhibannadan, ayaa waraaqdan ku faahfaahiyay sida wada shaqayn istaraatijiyadeed oo Mareyakanku la yeesho Somaliland ay ula miisaan noqon karto maalgashiga sii kordhaya ee Shiinuhu ka wado Geeska Afrika.

Jabuuti oo muddo badan saldhig u ahayd hawlgallada millateri ee Mareykanka ee mandaqadda, ayaa hadda noqotay meel nugul oo aan laysku hallayn Karin, iyada oo Shiinuhu Saldhig ku yeeshay sannadkii 2017 meel 8 Mayl oo kaliya u jirta saldhigga Mareykanka ee Camp Lemonnair.

Sannad kadib laba ka mid ah duuliyayaasha Mareykanka, ayaa dhaawac ka soo gaadhay dhaqdhaqaaqyada ay samaynayeen ciidamada Shiinuhu, taasoo hoosta ka xarriiqday khatarta ay wajahayaan hawlgallada Mareykanka ee gobolku.

Sidaa daraddeed waxa lagama maarmaan in dawladda Mareykanku raadiso goobo kale oo Istaraatijiyadeed sida dekedda magaalada Berbera ee dib u habaynta lagu sameeyay iyo madaarkeedaba si Mareykanku gaadh uga hayo danihiisa dhaqaale iyo kuwa amni ee mandaqadda Geeska Afrika.

Somaliland waxa ay inna tustay bisayl dimuqraaddiyadeed kaas oo si joogto isaga caabbiyay faragalinta Shiinaha waan meel Mareykanku isku hallayn karo joogitaankeeda.

Somaliland waxa ay sidoo kale xidhiidh laba geesood ah la samaystay Taiwan sannadkii 2020, waxaanay labada dhinac muddo yar kadib is weydsaarsadeen safiirro, iyada intaa wixii ka daneeyayna samaystay xidhiidh adag oo iskaashi ku dhisan. Sidaa daraadded Mareykanku waa inuu qaadaa tallaabooyin uu ku taageerayo xidhiidhka qotoda dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan.

Xildhibaannadan, ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulka Mareykanka ay mudnaanta koobaad u tahay xoojinta dimuqraaddiyadda iyo kor u qaadidda xidhiidhka saaxiibada, dimuqraaddiyadda, sidaa daraaddeedna ay Somaliland soo bandhigtay awoodda ay u leedahay inay qabato doorashooyin nabad ah, lagu kalsoonana karo isla markaana loo tartamo.

Doorashooyinkii Somaliland ee sannadkii 2021, ayaa lagu yidhi qoraalkan waxa ay ahaayeen kuwii ugu horreeyay adduunyada ee loo adeegsado sawirka bu’da Isha ee loo yaqaanno Biometric Scan.

Xildhibaannada, ayaa qoraalkooda ku sheegay oo yidhi innaga oo haddaba maskaxda ku haynna arrimahan amni dhaqaale iyo siyaasadeed waxaanu ku dhiirrigalinaynnaa maamulka Madaxweyne Bide inay kordhiyaan wada shaqaynta diblomaasiyadeed ee Maraykanku la leeyahay madaxda Somaliland isla markaana ka Mareykanku xafiis ka furto Hargeysa.

https://www.somtribune.com/2022/03/15/mccaul-smith-lead-bipartisan-letter-on-increased-engagement-with-somaliland/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here