Hargeysa, (HargeisaPress) — Gudoomiye ku xigeenka Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa Mudaneyaasha uga digay inay fadhiyada caadiga ah ee Golaha ka maqnaadaan ka dib markii labadii maalmood ee u dambeeyay Goluhu u furmi waayay Kooramka oo buuxsami waayay.
Baashe Maxamed faarax waxa uu sheegay inay soo noqnoqtay fadhiyada Golaha oo Kooram la’aan u qabsoomi waaya ““waxa loo baahan yahay in ay Xildhibaanadu Kasoo qayb Galaan Fadhiyada. waad Arkayseen Oo Laba Fadhi ayay Kooram La’aani Dhacday Horena way iskaga Dhic-dhici Jirtay” ayuu yidhi Gudoomiyuhu
Gudoomiye xigeenku waxa uu sheegay inay Mudaneyaasha ka wada hadleen sidii Golaha si joogto ah loogu iman lahaa “Wakhti yar ayaa Golaha u hadhay Shuruuc Badanina Way Hadhsan yihiin” ayuu yidhi
Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay inaan la aqbali doonin Mudane dammbe oo inta uu Golaha yimaado marka uu saxeexo Buugga Xaadiriska iska baxa “Xildhibaanka Buugga Saxeexa iska baxa ee waxaanu u aqoonsan Doonaa Xildhibaan Maqan.Ninkasta cidii soo dooratay ayaa daba socota, doorashana way soo socotaa, Xildhibaanku Dadkiisa wixii uu kula Noqon Lahaa ayuu doonayaa,Waxaana ay ila tahay in Xildhibaan kasta ku Mash-quulsan yahay sidii uu Gobolka uu kasoo jeedo wax badan ugu Qaban Lahaa”
Maalmihii u dambeeyay oo Gudoomiye Cirro Safar ugu maqnaa Jabuuti, islamarkaana fadhiyada uu gudoominayay Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaanay Mudaneyaashu soo xaadirin islamarkaana ay baaqdeen hawlihii fadhiyadaasi la qaban lahaa. Waxaanu Gudoomiye Baashe Carrabka ku adkeeyay in Xeer hoosaadka golaha lala tiigsan doono Mudanaha iska maqnaada.
Dhanka kale Qoraal lagu baafinayo Mudaneyaal aan fadhiyada soo xaadirin ayaa u dhignaa sidan
Ujeedo :- Baafin Mudanayaal
Waxaan idinku wargalinaynaa inaad noo baafisaan mudanayaashan magacyadoodu hoos ku qoran yihin
Oo ka maqnaa fadhigii maanta sabab la’aan.
1.C/casiis Ismaaciil Ducaale
2.C/laahi Axmed Yuusuf ( Madar)
3.C/qaadir Askar Xasan
4.Xaashi Xuseen Caabi
5.Xuseen Ismaaciil Yuusuf
6.Khadar Aadan Xusen(ambasadoor)
7.Mahdi Xuseen Cadare
8.Maxamed jaamac Cabdi
9.Muuse Maxamed Ismaaciil (hoos-u- jeed)
10.Siciid Cilmi Rooble
11.Siciid Maxamed Cilmi
12.Maxamed Saalax Cige
13.Axmed Ducaale Bulaale
14.C/qaadir Jibriil Tukaale
15.Maxamed Baaruud Shide
16.Cabdilaahi Xuseen Cige
17.Axmed yasiin Sh. Cali Ayaanle
18.Maxamed Barkhad Miigane
19.Aadan Muxumed Hoori (mataan)
20.Ibraahim Maxamed Xuseen
21.Abdirahman Maxamed Jaamac (loyer)
ALLAH MAHADLEH
C/risaaq Siciid Ayaanle
Xog.Guud ee G/Wakiilada