Xildhibaanada golaha Deegaanka Ceerigaabo oo digniin iyo baaq diray

0
2194

Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha Deegaanka Degmada Ceerigaabo, ayaa waxaa ay ka hadleen xaalada guud ee nabad-gelyada ee magaalada Ceerigaabo.

Xildhibaanadan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Ceerigaabo, ayaa sidoo kale waxay soo dhaweeyeen go’aamadii ay soo saareen guddidii nabadeynta.

Sidoo kale, Xildhibaanada, ayaa waxaa ay baaq u direen shacabka magaalada Ceerigaabo, iyagoona ugu baaqay inay ka wada shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa waxkasta oo dhacay.

Xildhibaanada, ayaa waxaa ay dhinaca kale ka digeen colaad mar kale soo laabata, oo ay ku barokacaan dad aan waxba galabsanin.

Waxaanay digniin culus u direen shaqsiyaadka dalalka dibada iyo dalkaba ku nool ee sii hurinaya colaada labada deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here