Xildhibaan Mareykan Ah oo Si Weyn U Ammaanay Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Somaliland

0
1341
Chris H. Smith
Chris H. Smith

Washington (Hargeisa Press) — Xildhibaan Chris H. Smith oo ka tirsan Guddida Xidhiidhka caalamiga ah ee golaha Wakiillada ee dalka Mareykanka, ayaa si weyn u ammaanay dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka ee ay  Somaliland galayso 31-ka Bisha May ee sannadkan 2021.

Xildhibaan Chris H. Smith ayaa Somaliland ku tilmaamay xaqiiqo ka soo baxday mandaqada Geeska Afrika.

Chris H. Smith wuxuu sheegay inay Somaliland ka qabsoomayaan 31ka May ee sannadkan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka, iyadoo lagu galayo nidaamka diiwaangelinta codbixiyeyaasha daahfuran islamarkaana loo dhan yahay, diwaangwelintaasi oo dalka ka qabsoontay muddadii u dhexaysay 2020 illaa January 2021.

Wuxuuna tilmaamay in Xukuumadda Somaliland ay dhaqaale badan ku bixisay diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isagoona xusay dalalka Midowga Yurub, Denmark, Finland, Netherland. France, Germany, UK iyo Maraykanka ay soo dhaweeyeen diiwaangelinta iyo hawlaha u diyaargarowga Doorashooyinka Somaliland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Midowga Yurub, Denmark,Sweden, Norway iyo Taiwan ay xaqiijiyeen inay goobjoogeyaal u dirayaan doorashooyinka Somaliland ka qabsoomaya.

Chris H. Smith waxa uu ku dooday inay Somaliland ay soo celinayso Dimuqraadiyadeedii iyo doorashooyinkii ku salaysnaa hal qof iyo hal cod, waxaanu dawladda Maraykanka u soo jeediyey inay wax la qabato oo dhiirigeliso dimuqraadiyadda ka tisqaaday Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here