Xildhibaan Ku-cadeeye oo baaq culus u jeediyay Xisbiyada Qaranka Somaliland

0
1876

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Axmed Dayib Aadan (Kucadeeye) oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa khudbad ka jeediyay xidhitaanka tartanka Qiraa’ada Quraanka Kariimka ah oo sannadkii 9aad lagu qabtay magaalada Hargeysa, kaasi oo lagu gabogabeeyay magaalada Hargeysa.

Xildhibaanka, ayaana dardaaran culus u jeediyay dhalinyarada quraanka dhamaystay, isagoona faray in la doonayo in dalka Somaliland iyo Calankiisa tawxiidkalihi uu sare ugu soconayo, isla-markaana ku meel marayaa tahay in aqoontii Diinta lagu ilaaliyo.

Wuxuu sheegay loo baahan yahay in dhalinyaradu kitaabka maadiga ah ay midigta ku haystaan, ka far Hungurigana bidixda ku haystaan.

Geesta kale, wuxuu xukuumadda ugu baaqay in ay Madaariista Quraanka iyo Macalimiintooda ilaaliso kana war hayso, isla-markaana xuquuqdooda la siiyo.

Xildhibaanka, ayaa tilmaamay in horumarinta madaariista, dhismahooda iyo manaahiijtooda aanay wasaaradda Diinta Awqaaftu u daba fadhiyin Wasaaradda Waxbarashada.

Mar uu ka hadlayay, nabad geliyada Somaliland iyo qiimo ay leedahay, ayuu sheegay in waxa qudha ee nabad geliyada lagu ilaalin karo ay tahay in miyir lagu daro.

Xildhibaanka Axmed Dayib, ayaa ugu dambayntii ka hadlay doorashooyinka la filayo inay dalka Somaliland ka qabsoomaan 13 bisha November ee sannadkan, wuxuuna baaq culus u jeediyay Xisbiyada qaranka Somaliland.

Waxaanu ugu baaqay in xisbigii ku guulaysata doorashada lagu hambalyeeyo, xisbiyada laga guulaystaana ay haneeyaan doorashada, wuxuuna tilmaamay in xisbina aanu isa sii siinin guusha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here