Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Guurtida oo Geeriyooday

0
964

Hargeysa (Hargeisa Press) – Allah ha u naxariistee waxaa magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ku geeriyooday Xildhibaan Jaamac Muxumed Nuur (Suldaan Gurey), oo ka mid ahaa mudenayaasha golaha Guurtida Somaliland.

Xildhibaanka waxa uu ka mid ahaa mudanayaasha ugu da’da weyn ee inta badan ka soo xadiri jiray fadhiyada golaha Guurtida Somaliland.

Allah u naxariisyee Marxuum xildhibaan Jaamac Muxumed Nuur, ayaa waxaa xarunta golaha Guurtida ugu dambeysay Doodii qodobka Macdanta iyo Tamarta 21 bishii September ee sannadkii 2021 ee uu kaga qayb qaato xarunta golaha.

Xildhibaan Jaamac Muxumed, ayaa lagu sifeeyay inuu ahaa shakhsiyaad aad u hawl kara, aad u cibaado badan isla markaama ka adag hawlaha shaqo ee uu Qaranka masuulka uga ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here