Xildhibaan Cabdikariim Sheekh Cumar Furre oo ka hadlay Xadhigga Suldaan Qabiile iyo Mudaharaadkii Sheekh

0
1130

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Cabdikariim Sheekh Cumar Sheekh Axmed (Furre) oo ka tirsan Golaha Guurtida ee Somaliland, ayaa waxaa uu ka hadlay dilkii dhawaan ka dhacay magaalada Hargeysa ee labada Wiil ee Dhallinyarada ah lagu dilay, xaaladdaha ka dhashay iyo xadhigga Xukuumaddu kula kacday Suldaan Qabiile.

Xildhibaan Cabdikariin Furre, ayaa ugu horeyn waxaa uu ehelka labada marxmuum iyo shacabka Somaliland uga tacsiyadeeyay geerida labada marxmuum ee dhallinyarada ah.

Waxaa uu sidoo kale ehelka labada marxuum iyo dadweynaha reer Somaliland ugu baaqay in laga war sugo ciidanka Booliska iyo sirdoonka, isla-markaana hawsha qabashada gacan ku dhiiglaha halagu garbsiiyo.

Xildhibaan Cabdikariin Furre, ayaa dhinaca kale ka hadlay xadhiga Suldaan Qabiile, isagoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ugu baaqay in ay si degdeg ah xorriyaddiisa ugu soo celiyaan.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa ka hadlay mudaharaadkii maanta ka dhacay Degmada Sheekh, waxaanu u soo jeediyey shacabka deegaankaas inay joojiyaan mudaharaadka.

Xildhibaan Cabdikariin Sheekh Cumar Sheekh Axmed Furre, ayaa soo hadal qaaday abaaraha ka jira deegaanada Awdal, Selel iyo Saaxil, isagoona ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameysay abaartu.

Hoos ka akhriso qoraalka Xildhibaanka

ASALLAAMU CALEYKUM 27 MUXARAM 1447 WAFAQSAN 22 JULY 2025.

Xildhiban Cabdikariim Sh Cumar Sh Axmed (Furre) oo ka tirsan Golaha Guurtida ee Baarlamaanka Somaliland.

Uj: talo soo jeedin ku socota xukumada iyo shacabka Somaliland.

1- dilkii 2 habeen ka dhacey casimada Hargeysa gaar ahaan badhtamaha suuqa istaanka basaska xafada kililka 2 dii marxuum ee dhalinyarada ahaa illaahey waxan uga baryaya inuu naxaristii jano ugu deeqo, Sidoo kale ehelkii ee guud ahaan reer Somaliland inuu rabi samir iyo iimaan saadiq ah inaga siiyo Aamiin.

Sidoo kale gacan ku dhiiglihii dilka geystey oo wali aan la soo qaban balse ciidanka booliska iyo sirdoonka Somaliland ay ku hawlan yihiin sidii loo soo qaban lahaa gacan ku dhiiglaha.

Ehelkii 2da marxuum iyo dadweynaha reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa in laga war sugo ciidankena booliska iyo sirdoonka hawsha halagu garbsiiyo illaahey haku guuleeyo soo qabashada gacan ku dhiiglaha.

2- sidoo kale waxaan talo usoo jeedinayaa xukuumada gaar ahaan Wasiirka arrimaha Gudaha Cabdale Sandheere iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland Mudanayal xadhiga Suldaan Qabiile fadlan xoriyadiisa u soo celiya oo madax qaran ayaad tihiine dulqaad u yeesha dadkiina reer Somaliland, Sidoo kale dadweynaha reer Somaliland ee mudaharadka ka wada Hargeysa, Barbara, iyo Sheekh, Waxan idiinku baaqaya joojiya rabshadaha iyo mudaharaadka aad wadaan oo u tudha dalkiina dadkiina iyo diinteena islaamka. Waa nasiib daro in fitno aad horseedan taas oo ay ka dhalan karto dhibato kale Caqligu ha shaqeeyo illaaheyna ka baqa.

3- ugu dambeyn dalkena Somaliland, Awdal Salel iyo Saaxil waxaa jira abaaro baahsan illaahey waxan ka baryaya inuu rabi raxmadkiisa inoogu deeqo Aamiin.

Madaxweynaha Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo maanta gudi uu madaxweyne kuxigenka mudane Maxamed Cali Aw Cabdi uu Guddomiye u yahey gudidas oo xaalada abaaraha ka hawlgali doona sidii loogu gurman lahaa dadka iyo xoolaha abaaruhu asiibeen ee reer Somaliland Dadweynaha kala duwan qaran joog iyo qurba joogba, Waxaan kula talinaya ineynu taakuleyno oo aan isku naxariisano ayaa inala gudboon illaahey aynu barino oo ducadisa badino.

Rabi ha inoo gargaaro Aamiin.

INSHALLAAH MAQBUUL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here