Xeerka Doorashada oo La Horkeenay Golaha Wakiilada

0
2331

Hargeisa (Hargeisa Press)-Mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta loo qaybiyey xeerka guud ee doorashooyinka qaranka iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ee xeer Lambar 90/2020.

Iyada oo uu fadhigaas shir gudoominayey guddoomiyaha golahaasi Mudane Baashe Maxamed Faarax, waxaana mudanayaasha golahaas warbixin ku saabsan wax ka bedelka iyo kaabista xeerka guud ee doorashooyinka qaranka iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ee xeer lambar 90/2020, ka horjeediyey guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha, difaaca iyo nabadgalyada ee golaha Wakiillada Cabdilaahi Xuseen Cige (Cabdilaahi Balaaki), isaga oo sheegay in xeerkaasi ka kooban yahay saddex xeer oo hore u jiray oo kala ah, xeerka lagu dooranayo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, golayaasha deegaanka, wakiillada iyo codbixiyeyaasha oo lagu mideeyey hal xeer oo kaliya.

Wuxuuna guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha, difaaca iyo nabadgalyada ee golaha Wakiillada Cabdilaahi Balaaki, oo xildhibaannada golahaas faahfaahin ka siiyey qodobada ay wax ka bedelka iyo kaabista ku sameeyeen, wuxuuna mudanayaasha golaha wakiillada ka codsaday in ay waajibkooda ka gutaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here