Hargaysa (HP): Xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka Somaliland ayaa ka jawaabay dacwadda loo haysto eedaysane C/maalik Muuse Coldoon, oo u xidhan eeddo ka dhaqan ah qaranka Somaliland.
Waxaanay xeer ilaalinta guud oo ka jawaabaysay waraaq hore uga timid golaha Wakiiladda Somaliland ay sheegeen in dacwadani aanay ahayn dacwadaha ku xidhan dhaqaajinta dalabka dhibanaha.
Sida uu tilmaamayo qodobka 81aad xeerka ciqaabta guud oo lala akhriyo qodobka 21aad ee xeerka habka ciqaabta.
Sidoo kale na, ay reeban tahay in dacwadaha ka socda maxkamadaha la soo farogeliyo inta go’aan cadaalad ah laga gaadhayo.
Sidaasina waxaa lagu sheegay waraaq jawaab celin ah oo ka soo baxday xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka Somaliland oo Xasan Axmed Aadan, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland.
Waraaqdaasi jawaab celinta ahna waxay u dhignayd sidan:
U jeedo: Jawaab celi qoraal:
Anigoo tix raacaya qoraalka sumadiisu tahay GW/G/279/2021, ee 01/12/2021, kuna saabsanaa cadayn la xidhiidha dacwadda loo haysto eedaysane C/maalik Muuse Coldeen.
Hadaba, waxaan kula socodsiinayaa in eedda loo haysto eedaysanaha sare ku xusan ee la xidhiidha golaha Wakiiladda uu qaranku dhibane ka yahay. Waxaana oogista dacwadaasi u xil saaran xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka.
Ma aha dacwadani dacwadaha ku xidhan dhaqaajinta dalabka dhibanaha, sida uu tilmaamayo qodobka 81aad xeerka ciqaabta guud oo lala akhriyo qodobka 21aad ee xeerka habka ciqaabta.
Sidoo kale, waxaa reeban dacwadaha ka socda maxkamadaha in la soo farogeliyo inta go’aan cadaalad ah laga gaadhayo.
Sidaasi darteed, waxaan soo jeedinayaa in lagu ixtiraamo haayad kasta gudashadda waajibaadkeedda sharci.
ALLAA MAHAD LEH
Xasan Axmed Aadan
Xeer ilaalinta guud ee qaranka.