Xasuus Qor: Xirsi Cali Xaaji Xasan Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, kaliya uma aqaano siyaasi….

0
1078

Wali waxa aynu ku guda jirnaa xasuus qorkeennii la xidhiidhay dugsiyada waxbarashada. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, kaliya uma aqaano siyaasi, balse waxa uu ka mid yahay dadka faro ku tiriska ah ee wax weyn ku soo kordhiyey dalka.

Waxa uu magaalada Hargeysa ka aasaasay dugsi lagu baran jiray aqoonta kombiyuutarka iyo tignoolajiyadda, muddo haatan laga joogo ku dhawaad soddon sano. Dugsigaasi waxa uu markii hore la odhan jiray Institute of Microsoft Computer Training Support (IMCTS), waxaanu ka dambeeyay kii ay wax ku soo barteen Rooble Mohamed iyo @Cabdi Yusuf Aar (Aar) , ee. AIDAM INSTITUTE oo iyagu iga waawaynaa.

Markii dambe, dugsigu wuu ballaadhey, waxaana magaciisa loo beddelay SITCO College, halkaas oo ay ka aflaxeen arday tiro badan oo waxbarasho sare ka heshay. Xafladaha qalin-jabinta ee dugsiga waxaa ii iman jiray Kayse Fanax, oo ka mid ahaa masuuliyiinta dugsiga, si aan ugu soo casuumo Wasiirkii Waxbarashada Alle ha u naxariistee Xasan Xaaji Maxamuud Warsame.

Dhawaan, Kayse waxa uu dalka dib ugu soo laabtay kadib muddo uu ku maqnaa Ingiriiska si uu aqoon korodhsi u sameeyo. Waxaannu kulannay badhtamihii xilligii Madaxweyne Muuse Biixi, markaas oo uu Kayse go’aansaday in uu xil ka qabto dalka, maadaama uu wax soo bartay, isla markaana ay madaxweynuhu isku deegaan ka soo wada jeedeen. Hase yeeshee, waxa loo sheegay in maadaama uu ka tirsanaa kooxda Xirsi, aanu odaygu oggolaanayn in uu xil qabto, taasina ay sababtay in uu mar kale dalka ka noqdo.

Aniguna wakhtigaas waxaan is idhi: “Kooxdii Xirsi ayaad ka mid ahayd, ee dalka iska joog oo sug inta ay dhalanayso dawlad uu Xirsi hoggaaminayo.” Sababta oo ah, Madaxweynihii hore (Muuse Biixi) kama jawaabin farriimo badan oo aan xil ku doonaayey una diray.

Gunaanad:
Xirsi Cali Xaaji Xasan kaliya ha u aqoonsanina siyaasi, ee u aqoonsada inuu ka mid yahay dadkii faro ku tiriska ahaa ee dalka aqoonta tignoolajiyadda kor u qaaday, gaar ahaan dhallinyarada.

Xasuus Qor W/Q Qoraa Ismaaciil Cali Axmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here