Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo hal arrin ku boggaadisey Dhallinyarada Somaliland

0
1212
Jama Musse Jama, director of the Hargeisa Cultural Center

Hargeysa (Hargeisa Press)- Maamulka guud ee Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ee uu hormuudka u yahay Gudoomiyaha Xarunta Dhaqanka Dr. Jaamac Muuse Jaamac, ayaa Dhallinyarada Somaliland ku boggaadiyay xuska maalinta caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka ee 12 August oo maanta ku beegan.

Xarunta Dhaqanka Hargeysa, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Maamulka xaruntu ay dhallinyarada Somaliland ku boggaadinayaan xuska maalinta dhallinyarada adduunka.

Qoraalka xarunta, ayaa lagu sheegay in mawduuc taabanaya Dhallinyarada iyo Tiknoolajiyadda ay qaban doonto caawa 8-da fiidnimo, kaasi oo lagaga hadlayo mawduuca sannadka.

Xarunta Dhaqanka Hargeysa, ayaa sheegtay in Rugta Kutubta ee Xaruntu waxa ay toddobaadkan diyaariyeen Buug loo xulay dhallinyarada oo ay ugu talagashay inay kaalin weyn ka qaataan wacyiga dhallinyarada iyo ogaalkooda guud, kuwaas oo qayb ka ahaan doona xuska maalinta dhallinyarada adduunka.

Qoraalka ka soo baxay Xarunta Dhaqanka Hargeysa, ayaa u dhignaa sidan:-

“Maamulka iyo Hawlwadeennada Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa waxa ay dhammaan dhallinyarada Somaliland ugu hambalyeynayaan xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka, sidoo kale Rugta Kutubta ee Xaruntu waxa ay toddobaadkan kuu diyaariyeen Buug loo xulay dhallinyarada oo aannu ugu talagalnay inay kaalin weyn ka qaataan wacyiga dhallinyarada iyo ogaalkooda guud, kuwaas oo qayb ka ahaan doona Xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka.

Hambalyo Dhammaan Dhallinyarada Somaliland, Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada Adduunka.

Caawa 8da fiidnimo, waxa mawduucyo taabanaya Dhallinyarada iyo Tiknoolajiyadda innala wadaagi doona dhallinyaradan martina inoogu ahaan doona inaynu ka wada sheekeysanno mawduuca sannadka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here