Xaqiijinta Fiise Imaaraadka Carabtu ku bixiyeen baasaboorka Somaliland iyo sababaha loo aanaynayo deedafaynta Wasaarada Arrimaha Dibeda

0
941

Hargeysa, (HargeisaPress) — Dawlada IMaaraadka Carabta ayaa markii ugu horeysay fiise ku bixisay baasaboorka Somaliland, gaar ahaan nooca dublamaasiyiinta oo dhowaan uu ku socdaali doono Safiir-xigeenka safaarada Somaliland ee Itoobiya, Mr. Ayaanle Salaad Diiriye.

Illo ku dhow safiir-xigeenka safaarada Itoobiya Mr. Ayaanle  ayaa  xaqiijiyey in dalka Imaaraadka Carabtu fiisahooda dal ku galka ku bixiyeen baasaboor dublamaasi ah oo masuulkaasi leeyahay, dhowaana u socdaali doono dalkaa.

Ilahan ayaa wargeyska Himilo u xaqiijiyey in dalka Imaaraadku Carabtu xilligan ku bixinayo fiisayaasha baasaboorada dublamaasiyiinta, balse mustaqbalka dhow sidoo kale ku bixin doono noocyada kale baasaboorada Somaliland.

Ilahan ayaa xaqiijiyey in xukuumada Somaliland hoos u dhigayso siyaasiyan qadiyaddan, maadama ay tahay arrin xasaasi ah oo dhinacyo kaloo cadow u ah danaha Somaliland shaacinteeda, u noqonayso mowduuc ay cabashooyin ka bixiyaan.

Dhinaca kale, xukuumada Somaliland ayaa meesha ka saartay jiritaanka in dawladda Imaaraadka carabtu ogolaadeen inay baasaboorka Somaliland ku bixiyaan fiisaha dal ku galkooda.

Warsaxaafadeed masuul wasaarada Arrimaha Dibedda u qaabilsan warbaahinta soo saaray xalay ayaa u dhignaa sidan:

Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda  Somaliland waxay halkan ku beeninaysaa war lagu faafiyey qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa dalka oo sheegaya in Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu  (UAE) ay aqbashay in dalkeeda lagu galo Passport-ka Somaliland.

Arrinta aqbalaadda Passport-ku waa mid aannu ku gudo jirro hawshiisa balse  weli ma jirto aqbalaad laga helay xagga dawladda Imaaraat-ka; warka arrintaa laga qorayna waa mid aanay waxba ka jirin

Waxa xusid mudan in dhawaan Madaxweynaha JSL Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu  dhawaan u magacaabay Mudane Baashe Cawil Cumar  Wakiilka Somaliland  ee dalka  Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) oo isaguna haatan ku guda jira dardargelinta hawlaha xafiiska iyo arrimaha khuseeya xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Imaraat-ka.

Waxay labada wadan ee Somaliland iyo Imaaraatku wadaagaan xidhiidh soo jireen ah iyo iskaashi dhinaca taageerada, ganacsiga  iyo dhinacyo kaleba leh.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here