Xanuun Wata Xumad oo Dad Ku Laayay Somaliland

0
2109

Hargeysa (Hargeisa Press) – Waxaa bishii u dambeysay gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland ku soo badanayay dadka uu soo ridanayo Xanuun wata Xumad ba’an, kaasi oo ay walaac xoogan ka muujiyeen dadku.

Xanuunkan wata Xumadda culus, ayaa waxaa uu ku dhacay dad badan oo isugu jira Waayeel, Dhalinyaro iyo carruur, waxaana jira cabsi badan oo laga qabo inuu dalka oo dhan ku faafo.

Xumaddan, ayaa dadka ay soo ridatay, balse ka kacay waxaa ay sheegeen inay ka halis badan tahay Xumadda la dareemo marka qofka uu ku dhaco Dureyga loo yaqaano “Lafo-garaac”, laakiinse weli lama sheegin waxaa sababay ee uu ka dhashay Xanuunkani.

Hasse yeeshee, Xumaddan, ayaa dad badan loo dhigay cisbitaallada Somaliland, maaddaama oo Qofka uu ku dhaco uu gaadhayo heer “Miyir-doorsoon ah”.

Nin dhallinyaro ah oo ka mid ah dadka reer Hargeysa oo uu ku dhacay Xanuunkan Xumada ahi, ayaa ka warramay siduu ula tacaalay markii uu halleelay xanuunkani.

“Markii ay Xumaddu awoodda iga qaaday ee jidhkaygu xamili waayay, waxaan u tagay dhakhtar, ka dib muddo dhowr maalmood ah ayuu Irbad ugu muday, Irbaddaas iyo Kiniino badan oo aan cunay ay aan ku bogsaday, ayuu yidhi.

Waxaanu intaasi ku daray inuu u maleynayo inuu Xumadda ka qaaday mid ka mid ah carruurtiisa oo uu sheegay inuu kala yimid dugsiga waxbarashada ee ay umadkiisu dhigtaan, isagoona dadweynaha uga digay khatarta Xanuunkan Xumadda ee dalka ka jira.

Xanuunkan Xumadda ah, ayaa inta la ogayahay waxaa u geeriyooday ugu yaraan Afar Qof, sida ay Shabakada Hargeisa Press u xaqiijiyeen ilo dhanka caafimaadka ahi.

Xanuunkan halista ah oo ay bulshadu walaac xoogan ka muujisay, ayaa waxaa illaa iyo hadda aan ka hadal  oo aan wax faah-faahin ah ka bixin Wasaaradda horrumarinta caafimaadka Somaliland oo qaranka uga masuul ah caafimaadka, isla-markaana waajibkeedu yahay inay muwaadiniinta uga digto khataraha Xannuunada dalka ku soo kordha.

Si kastaba, khatarta xunuunkan Xumadda ah ee wajahayaan shacabka Somaliland, ayaa yimid xilli aanu dalku ka gudbin masiibadii xanuunka covid-19, kaasi oo hore dad badan ugu dilay dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here