Faysal Cali Waraabe oo Af-xumo Ku Tilmaamay Hadalkii Xasan Sheekh

0
1479
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa jawaab kulu ka bixiyay hadalkii ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo afxumo ku tilmaamay hadalkiisa.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa uu sheegay in Xasan Sheekh aanu wax saamayn ah ku lahayn siyaasada Somaliland, isla markaana aanu xataa u talin ismaamul goboleedyada Soomaaliya ka jira, isaga oo sheegay in Xasan Sheekh ay tiisii cuslaysay.

“Waan ka xumahay Xasan Sheekh in uu waxa ku hadlo, afkuu iska xumeeyay, wuxuu saamayn inagu leeyahay Xasan Sheekh ma jirto, tiisa ayaa cuslaysay, Soomaaliya 5 dowladood oo qabaa’il ku salaysan ayaa kamid ah, midna saamayn kuma leh” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa uu sheegay in dowladnimada Somaliland ay xoog ku timid, oo shacabku ay qori caaradii kusoo celiyeen, kadib markii si hiyi kac ah reer Somaliland ula midoobeen Soomaaliyadii Talyaaniga ka xorowday 1, July, 1960.

“Inagu dalkeena gacanta ayaynu ku haynaa oo cid aan baryaynaa ma jirto, xoog ayaynu kusoo ceshanay waliba bilaash kumaynaan soo ceshan, dowladnimadii aynu hiyi kaca ku bixinay waxay inagu qaadatay in aynu 10 sanno waxaynu dad iyo xoolo haynay ku bixino” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kaloo yidhi, “Anaga imika isku jeednee maalintii ay doorasho noo dhacdo aan gudahayaga hagaajisano waad arki doontaa in aanu wax laba sano ka badneyn heli doono ictiraafka-yaga. Adduunku waxbaa la kala iibsadaa ee macdantii baanu leenahay, istaraatijiyaddii baanu leenahay, aqoontii baanu leenahay, dad nabad iyo dimuqraadiyad jecel oo mideysan baanu nahay marka isagoon wixiisa adkeysan inuu Somaliland ku ordo khalad ayay ahayd.”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in Somaliland ay markii horeba ku khaldanayd in wax wada-hadal ah la yeelato Soomaaliya oo maareyn la’ xallinta dhibaatada gudaheeda.

LEAVE A REPLY