Mar kasta oo loo dhowaado qabashada doorashada Golaha Wakiilada, waxa bilaabma muran ku saabsan habka ay tahay in loo qaybiyo 82 kursi ee Golaha Wakiilada. Dastuurka Somaliland kama hadal, mana jiro xeer kale oo si kama danbays ah u go’aamiyay.
Golaha Wakiiladu waa gole kuraastiisu aan si loo siman yahay loo qaybin karin. Waa gole loogu talo galay inuu metelo shacabka. Sidaasdarteed degmo waliba kuraasta metelaysa waa inay ku dhisan tahay tirada guud ee shacabka degmadaas degan. Maaha tirada dadka qaan gaadhka ah ee codayn kara ama isu diiwaangeliyay inay codeeyaan; maaha tirada dadka haysta kaadhka codbixinta. Waxa taas lagu sugi karaa oo keliya tiro koob madax tiris ah oo lagu ogaado si sugan dhamaan shacabka degan Somaliland. Weligeed Somaliland taas lagama samayn, xiligii Ingiriska, dawladii Somalia iyo gooni isu taagga toona. Waxa marar dhawr ah la qaaday qiyaaso. Waxa la adeegsaday welina la adeegsadaas qiyaasahaas. Hadaba, su’aasha maanta taagan waxa lagu xalliyi karaa oo keliya sadex xal midkood:
In tiro koob la sameeyo oo la tiriyo shacabka oo dhan; waxaay u baahan tahay lacag, aqoon iyo farsamo. Intaasiba waxaay u baahan yihiin waqti badan oo aan la hayn. Waxa u baahan cilmi ahaan in la helo habka umad reer guuraa ah oo qabiilka iyo tiro badnidu la qiimo wayn tahay loo tiro koobi karo si sugan oo sax ah oo aan been lahayn.
In lagu galo doorashada habkii lagu galay 2005 ta oo ku sallaysan doorashadii u danbaysan ee Somaliland gashay waagii ay ka tirsanayd gumaystihii Ingiriiska. Nidaamkaas oo ay ku dhisan yihiin xuduudaha gobol ee ilaa hada la isticmaalo. Hanaankan waxa diidan gobolo u arka in cid gaar ahi ku sed badsatay.
In iyada oo laga duulayo qaybinti 2005, gobolada laga cabanayo inay sed bursadeen ay kuraas u jaraan gobolada cabashada ka qaba hab qaybinta hada jira.
Xalka hore waxa la isku raacsan yahay inaany hada ool oo waqtigisii joogin. Sidaasdarteed, labada xal ee danbe in midkood la qaato ayaa lagu qasban yahay. Waa in la sameeyo hanaan wada tashi loo dhan yahay oo qaybaha bulshada, gaar ahaan hogaanka dhaqanka ee gobolada cabanaya ay qayb laxaad leh ku leeyihin si go’aan kasta oo la qaadanayaa uu u noqdo mid la rogrogay oo ku yimi is af garad iyo is faham. Go’aan cid keliyi qaadato wuxuu abuuri karaa xasaasiyad marka xisaabta lagu darsado in xildhibaanada badankoodu aanay doonayn in doorasho dhacdo, sidaasdarteed ay u adeegsanayaan caadifadda shacabka sabab ay ku cimri dheeraystaan.
Xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ahi waxaay tahay in xubnaha hada joogaa sii fadhigoodu aanay u adeegayn wax ka qabashada sallugaa jira waayo habka hada jiraa waa ka la sallugsan yahay. Waxa xaqiiqdu tahay in salluugu ka wayn yahay Golaha Wakiilada. Sidaasdarteed ay waajib tahay in awood qaybsiga kuraasta dalka (fulin, baarlamaan, iyo garsoor) iyo khayraadkiisa si caddaalad ah loo qaybiyo.
Guuleed Dafac