Madaxweyne Biixi iyo wefti uu hoggaaminayo oo u Ambo Baxay Gudashada Waajibaadka Xajka + SAWIRRO

0
689

Hargeysa(HargeisaPress)—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta  dalka ka dhoofay, waxana ay u ambo baxeen waddanka boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaas oo ay kusoo gudan doonaan waajibaadka Xajka.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinaya, ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay boqorka dalka Sucuudi Arabiya, Boqor Salmaan Binu Cabdul Casiis, waxana ku dhoofeen Baasaboorka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo ay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ka qaadday diyaarad khaas ah oo ay dalka Sucuudigu usoo direen.

Gudashada waajibaadka xajka kaddib, waxa weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa gudo geli doonaan kulammo ay la yeelanayaan masuuliyiinta dalka Sucuudiga, kuwaas oo lagaga arrinsan doono cilaaqaadka iyo xidhiidhka qotoda dheer ee labada dal u dhexeeya.

Xubnaha weftiga ah ee ku wehelinaya safarka madaxweynaha, ayaa waxa kamid ah wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed,  Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Hawlaha guud, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo  la-taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde, waxana sii sagootiyey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

LEAVE A REPLY